Beesha caalamka Oo Canbaareeyay Dib U Dhaca Doorashooyinka Somaliland

0
578

Brussels (HP): Dawladaha Somaliland ka taageera horumarka iyo dimoqraaddiyadda iyo ururo caalami ah ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland.

Warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen Qaramada Midoobay, urur gobolleedka IGAD, Midawga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka, Jarmalka Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Netherlands, Finland, France, Italy, Greece iyo Switzerland ayaa lagu sheegay walaaca ay qabaan dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimoqraaddiyadda ee ku saabsan dib u dhaca doorashooyinka.

Waxaa qoraalka lagu beegsaday majaraha ay haysato dimuqraadiyadda Somaliland gaar ahaana doorashooyinka, xadhigga iyo xorriyatul qawlka.

Waddamadan Somaliland taageera ayaa sheegay in ay ku baaqayaan in lagu soo noqdo xayn-daabka heshiiskii xisbiyada Somaliland wada gaadheen bishii July ee sanadkan, oo beesha caalamku-na ku dhex joogtay.

Kaasoo ahaa in farsamo ahaan iyo siyaasad ahaan sida ugu suuro galsan loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka inta lagu gudo jiro sanadka 2020.

Waxay sheegeen in dhacdooyinka dhacay ee heshiiskan dhaawacaya yihiin kuwo waxyeelaya sumcadda Somaliland ee dhanka dimuqraaddiyadda iyo taageerada beesha caalamka ee Somaliland.

Waxay walaac weyn ka muujiyeen xadhigga sii kordhaya iyo xaddidida xorriyatul qawlka ee Somaliland.

“Waxa aanu si gaar ah uga walaacsan nahay go’aanka muddo kordhineed ee Guurtidu muddo xileedka ugu kordhisay golaha Wakiillada ilaa January 2022 iyo Guurtida oo ilaa January 2023 ah.

Labadan gole-ba waxa loo aasaasay in ay metelaan bulshada Somaliland, waxay fadhiyaan wakhti aad uga badan heerarka dimuqraadiyadda”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Waxaana intaas la sii raaciyay “Goleyaasha degaanku waxay fadhiyaan ilaa April 2019 iyaga oo aan haysan ogolaansho dimuqraadiyadeed (wakhtiga oo ka dhammaaday muddo kordhinna aan loo samayn,” sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka beesha caalamka.

Waxa ay beesha caalamku ugu baaqday xukumadda Somaliland iyo dhinacyada doorashadu khusayso in ay sameeyaan xal wada jir ah, isu tanaasul iyo heshiis ay doorasho ku qabsoonto iyada oo aan dib uga dhicin wakhtigeeda 2020, iyada oo aad is waafajinaysaan qawlkiina iyo camalkiina ayay beesha caalamku tidhi.

Dhinaca kale waxay beesha caalamku bogaadiyeen wada xaajoodka lagu dhex dhexaadinayo xisbiyadda mucaaradka Somaliland iyo xukuumadda.

“Sidii aanu wakhtiga dheer ee 25-kii sanno ee u dambeeyay ahba u soo taageeraynay horumarka Somaliland, waxaanu ammaanayna dadaallada dhexdhexaadineed ee maxalliga ah ee socda.

Waxaanu hoosta ka xariiqayna in aanu taageerayno hannaanka doorashooyinka oo kobcinaya hab siyaasadeed loo dhan yahay iyo sharciga oo si buuxda loo raaco, nidaam ay aasaas adag u tahay Komishan doorasho oo haysta aamminaadda dhammaan jileyaasha siyaasadda,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka beesha caalamka.

“Keliya hay’ado xooggan oo si dimuqraaddi ah loo doortay ayaa keeni kara horumarka bulshada Somaliland xaq u leedahay. Sida oo kale taas weeye waxa bahwadaagta beesha caalamku ka rajaynayso iskaashiga Somaliland,” ayaa lagu soo gabogabeeyay hadalka beesha caalamka.

Halkan Ka Akhriso War-saxaafadeedkaasi Oo Afka Ingiriisiga Ku Qoran:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY