Beesha Caalamka iyo Dowladaha Gobolka Geeska Africa Miyey Moogan Yihiin Taariikhda iyo Dhacdooyinka Somaliland & Somalia Soo Kala Maray?

0
1336

Waxa sanadahan ugu dambeeyey aad moodaa in ay muuqato in beesha caalamka iyo dawladaha Gobolka Geeska Africa ay duudsi iyo yaraysi ku hayaan qadiyad umadeed oo lixdan sano soo socotay sidii loo sixi lahaa dibna loogu soo celin lahaa milgihii iyo maamuskii ay dawladnimo ee dadka Somaliland.

Dadka Somaliland waxa ay Somalia ku darsadeen dal iyo dawladnimo ay ka qaateen gumeystihii boqortooyada ingiriiska oo ay Somaliland u ahayd maxmiyad maamulkiisa hoos tagta loona yaqaanay Somaliland British Protectorate taasi oo ay ka qaateen 26 June 1960kii isla markaana ay 1 July 1960kii kula bahoobeen Somalia iyada oo ujeedada loo socday ahayd midnimo shan soomaaliyeed.

Midnimadii Somaliland iyo Somalia hungadii iyo cadaalad daradii ka dhashay ee aan loola macaamilin laba dawladood oo wax isku darsaday , waxa ay cadaynaysay niyad wanaaga iyo kalgacaylka dadka Somaliland u hayeen midnimo soomaaliyeed iyo sida ay uga daacada ahaayeen .

Mararka qaarna waxa loo qaadan karaa ilduuf siyaasadeed iyo taloseeg ku dhacay wax-garadkii iyo Aqoonyahankii reer Somaliland ee xiligaa talinayey oo aan waxoogii xeer iyo xero midna gashan dhamaantoodna  markii dambe ka dayriyey waxii dhacay iyo sidii loola dhaqmay .

Taasi oo qaadatay in lagu soo celiyo xoog iyo xeelad waxii la awoodayey ka dib markii la arkay cadaalad darada iyo hungada lagala kulmay midow oo macno weyn lagu dhisan oo dhinac ka rarnaa , markii la isku dayey in wax gudaha laga saxona dhaliyey cunfi iyo cadaadis  lagu sameeyey dadka Somaliland iyo sidii loo baabiin lahaa.

Cadaadiska iyo tirtirka taariikhda iyo wadajirka dadka Somaliland waxa loo maray siyaasad qoto dheer oo marka hore loogu talo galay in iyaga la qoleeyo oo beelo laga dhigo , siyaasadaasi oo la rabay in la yidhaahdo beel baa wax diidan oo qadiyada umada Somaliland lagu kala jabinayey , waxaana ka mid ahaa sameyntii gobolada sool iyo awdal .

Markii arimahani lagu guuleystay ayaa cadaadiskii dadka Somaliland lagu hayey waxa loogu daray xasuuq isir iyo beeleed ( ethnic genocide ) lagu tirtirayo beesha dhexe ee Somaliland iyada oo loo adeegsanayo calankii cududii iyo waxii ay somaali wada lahayd oo dhan taasi oo lagu baabiiyey waxii ay duunyo iyo daaro dhisanayeen intii ay soo noolaayeen , lagu xasuuqay maatidii iyo haweenkii oo lagu duqeeyey madaafiic iyo diyaarado ciidan .

Arimahani iyo dhacdooyinkani waa kuwii ka dhacay Kosovo oo kale ee Serbians kii maamulayey Jamhuuriyadii burburtay ee Yugoslavia ku laayeen dadka reer Kosovo looguna geystay xasuuq ba’an oo ku qotoma isir dabargoyn.

Si kastaba ha ahaatee taariikh dheer oo hirdano hoose iyo halgano muuqda lahayd ayaa waxa lagu soo celiyey qaranka Jamhuuriyada Somaliland 18 May 1991kii markii jabhadii SNM ka xoreysay dalka nidaamkii kalitaliska ahaa ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre horaantii sanadkaasi , iyada oo dib ula soo noqoshada dawladnimada Somaliland ahayd go’aan shacbi oo ay gaadheen waxgaradkii iyo aqoonyahankii beelaha Somaliland wada degani dibna loogu heshiiyey in xanafihii iyo xurgufihii nidaamkaasi ka tagey xalay dhalay laga noqdo , iyada oo ay si rasmiya ugu dhawaqeen madaxdii nidaamkii maamul ee u dhisnaa jabhadii SNM.

Mar kale ayaa 31 May 2001 dadka Somaliland u codeeyeen dastuur qaran oo afti dadwayne lagu ansixiyey 97% kaasi oo qeexaya qaranka Jamhuuriyada Somaliland ka uu yahay , halka uu ku yaallo , xuduudihiisa , habkiisa maamul , ganacsi , dhaqaale , siyaasadeed, xoriyaadka iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland iyo wax waliba oo dastuur qaran oo dal leeyahay qeexo kana hadlo .

Haddaba in beesha caalamka garwaaqsan waayaa qaranimada Somaliland xuquuqda dadka Somaliland iyo dawladnimadooda oo ay labadii dhinac ee wax isku darsaday dhinac raacaan waxa ay noqoneysaa duudsi iyo dambi laga galay dadka Somaliland oo aduunku ula badheedhay taasi oo meel ka dhac ku ah umad dhan oo aayaheega ka tadhatay.

Lagama fiirsan xataa in xafiisyadii dawladaha aduunka , ururada caalamiga ah iyo urur goboleedada laga wada furo magaalada muqdisho , taasi oo gef cad ku ah Hargeisa iyo Jamhuuriyada Somaliland una muuqata go’doomin siyaasadeed oo lagu hayo umada Jamhuuriyada Somaliland iyo dawladnimadeeda iyo waxii ay u soo hurtay naf iyo maalba in ay soo ceshato qarankeegii oo madax banaan .

Malahayga beesha caalamka dadka metalaya iyo dawladaha aduunka ee muqdisho fadhiyaa waxa aanay hayn taariikhda Somaliland iyo Somalia iyo waxii la soo kala mutay soddon sano oo midnimo lagu wada jiray taasi oo noqoneysa maah-maahdii soomaaliyeed ee odhanaysay ; ” Xaajo nimaan ogeyni indhuhuu ka ridaa ” .

Sidaasi oo kale ayaa aduunku iska indho tirayaa waxii ay dadka Somaliland qabsadeen sagaal iyo labaatan sanadood iyada oo aan cid wax ku taageertay jirin noloshana dib uga soo bilaabay seeska ilaa ay ay soo gaadhay qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee dimuqaradiga ah ee waxa uu mudan yahay iyo kaalinta muhiimka ah ee uu geeska Africa kaga jiro la yaqaano.

Mooganaantani waa mid sababaysa in aan xalka Somaliland iyo Somalia la helin ilaa dhex laga noqdo arimahani aan kor ku soo xusay oo dhan oo aan lagu galin xaalad xogogaalnimo iyo cadaaladeed , waxaana jira shaqsiyaad Somaliland ka soo jeeda oo muqdisho iyo aduunkaba qaar joogaan oo aaminsan aragti ah midnimo , kuwaasi oo aan ku qancin karin xataa qoysaskooda marka wax kale laga yimaado, cidii ku go’aan qaadataa ama u haysata in ay umad masiirkeed matali karaan waa cid aan xal rabin.

Mohamed Abdi Jama (Muxamed Dhimbiil)

Somaliland Peoples Party

LEAVE A REPLY