Beelaha Harti Oo Hargaysa Shir Ku Yeeshay iyo Qodobo Laga Soo Saaray

0
781

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Beelaha Harti woqooyi ee dega bariga Somaliland ayaa sheegay in duudsi ay kula kaceen xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland soo maray, tan iyo markii ay Somaliland gooni isu taageedda ku dhawaaqday.

Waxaanay ku baaqeen in aan xuduudaha bariga ee Somaliland si buuxda loo sugi Karin ilaa la hello Somaliland loo wada dhan yahay, isla markaana aanay suurto gal ahayn haddii aan la helin cadaalad, saami-qaybsi  iyo xaq soor ay ku qancaan beelaha Harti woqooyi.

Sidaasina waxaa lagu sheegay qodobo laga soo saaray shir ay maanta Hargaysa ku yeesheen siyaasiyiinta, masuuliyiinta iyo waxgaradka beelaha Harti ee ku sugan Somaliland.

Qodobadii shirkaasi laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in guddiga farsamo ee beelaha Harti woqooyi waxay aqoon sadeen in beeshu ka gaabisay saami ku qaadashadda degaankeedda iyo dadkeedaba, taasoo sababtay in xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland ay ku tunteen xuquuqdii beelaha Harti.

Shirkaasi waxaa ka soo qayb galay Prof. Cali Khaliif Galaydh, Axmed Xaaji Cali Cadami, xildhibaano ka soo jeedda beeshaasi, madax dhaqameed iyo xubno kale oo siyaasiyiin miisaan weyn ku leh Somaliland.

Prof. Galaydh oo shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa soo qaaday heshiiskii ay Caynaba ku wada gaadheen xukuumadii Siilaanyo iyo maamulkii Khaatumo ee Cali Khaliif madaxweynaha ka ahaa, waxaanu sheegay in shirkaasi lagu gaadhay heshiis 13 qodob ka koobnaa.

Qodobadii ay beelaha Harti shirkoodii maanta ee Hargaysa ka soo saareen waxaa warbaahinta u akhriyay aqoon yahan Xasan Cumar Hoori, oo wasaarrado iyo hay’ado dawli ah agaasime guud ka soo noqday.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Shirkaasi Laga Jeediyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here