Baroortu Orgiga ka Wayn- Xildhiban Guuleed Caydaruus Cige

0
1121

Waxaan la wadaagi doonaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ee wax arkhriya; aragtida iyo faalada aan ka qabo hadal haynta ah in Raysalwasaaraha Ethiopia oo wata Farmaajo uu ku wajahan yahay Hargeysa, Somaliland…

Ciwaanka qormadan waxaan ka dhigay ‘’Baroortu Orgiga ka Wayn’’ waa sheeko Soomaaliyeed oo ka dhacday dhulka Soomaalida ee baadiyaha ah iyadoo gabadh gayaan ahayd loo soo sheegay inuu dhintay ninkii ay sheeko wadaaga ahaayeen ee mustaqbalka ay guur ka naawilaysay balse markii gabal dhacii oohin iyo ilmo kala joojin wayday ayaa la waydiiyay, maxaa inan yahay kaa Oohiyay ee la barooranaysaa caawa oo dhan mise waxay ku jawaabtay Orgigeenii bahalku cunay ee inaga dhintay ayaan ka ooyayaa. Cabaar kadib ayuu odeygii inanta dhalay hadana maqlay iyadoo wali ooyaysa kolkaas ayuu yidhi ‘’Baroortu Orgiga ka Wayn’’ ilayn waa haweenaydaa ninkii ay calmatay ka xijaabtaye.

Anniga oo ah Guuleed Caydaruus Cige qormadan waxaan ku qoray annigoo ah muwaadin Soomaaliyeed kana soo jeeda Somaliland isla markaana leh xaqa faafinta fikirka iyo aragtidayda shaqsiga ah kolkaa walaal akhriste waxa aad akhriyayso waa inaan ka AFEEFTO maaha wax khuseeya xafiiskayga iyo qoyskayga midna ee waa sida aan sheegay Aragtidayda iyo Fikirkayga ee yaynaan isu eedin. AFEEF.

Waxaan maalmahan la soconaa in Magaalada Addis Ababa kulamo aan dadka Soomaaliyeed kasii warqabin ay ku dhex mareen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo iyadoo diyaarinta kulankan uu iska lahaa Raysalwasaare Abiye Axmedka Ethiopia.

Kulankan oo saamayn togan iyo mid taban labadaba ku yeelan kara siyaasada Soomaalida ee maanta ayaan dhawr dhinac kaga eegi doonaa qormadan kooban ee aan dadka soomaaliyeed usoo bandhigayo.

1- Xal iyo Maslaxad Soomaaliyeed maxay ku jirtaa

2- Ethiopia ma tahay cida ugu fiican ee maanta Soomaali heshiis kama dambays ah dhex dhigi karta

3- Hadii Soomaaliland Ethiopia ku gacansaydho maxay ku waayi kartaa

4- Khatarta amni ee dhalan karta hadii Soomaaliland noqoto dhul maamul belay oo fawdo ah.

5- Faa’iido noocee ah ayuu helayaa Farmaajo haduu Hargeysa ka dego bilaa shuruud

6- Muuse Biixi iyo inta talada la lihi maxay ku dambayn doonaan

7- Abiye Axmed oo dalkiisa dildilaac ka jiro maxaa ugu jira Soomaali aan dalkiisa ahayn

Dhamaan qodobadan aan kor idiinku koobay waa meelaha aan ku dul istaagi doono qormadan aan idiin soo qadimayo markii aan mudo dhagta iyo ishaba maalay maalmahan.

1- Xal iyo Maslaxad Soomaaliyeed maxay ku jirtaa?

Xalka dadka Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa iyadoo la helo Ruug cadaa wadani Soomaaliyeed oo miyir iyo maskax ku raadiya Soomaali wada hadal fayow gasha oo iyaga ka unkama amma ka imaada gudahooda.

Runtii way adagtahay in wado khaldan lagu helo amma lagu gaadho meesha la hiigsanayo ee ah Soomaali sharaf iyo karaamo leh oo nolol barwaaqo iyo xasilooni ah ku nool kolkaa taasi waa mida keentay in loo samro oo wakhti ku filan lasiiyo in Soomaalida gunta hoose laga soo dhiso iyadoo sawirka la wada eeganayaa yahay sidii loo heli lahaa Soomaali nabad, cadaalad iyo barwaaqo haysata.

Wada hadal waxa u baahan dhamaan dadka soomaaliyeed balse waa in meelo waawayn laga bilaabo sida Somalia iyo Somaliland oo hadii siyaasiyan loo xaliyo qadiyada ka dhex taagan ay sahlanaan doonto in inta dhiman Soomaali iyadana lagu degi karo oo gobol gobol iyo qabiib qabiil loo wada hadli karo.

Wada hadal Soomaaliyeed inta aanu ahayn baahi Soomaaliyeed wax natiijo Togan ah inooma soo wada ee waa hadal meel waayay laakiin hadii wada hadalka ay muhiimada uu leeyahay gartaan madaxda saxiixa leh ee Soomaaliyeed waliba Madaxweynaha markaa dawlda Federaalka ah joogaa; waxaa la abuuri karaa jawi fiican oo wada hadal dhab ah lagu yayleeli karo isla markaana guul taariikhi ah lagu xaqiiijin karo.

2- Ethiopia ma tahay cida ugu fiican ee maanta Soomaali heshiis kama dambays ah dhex dhigi karta

Sida ii muuqata Ethiopia waa deris Soomaaliyeed oo waliba dad Soomaaliyeed ku dhex nool yihiin sidaa daraadeed xaajo nin dan ka lihi kama run sheego oo arimaha Soomaalida ee Dawladnimo Soomaaliyeed maaha wax Ethiopia marna ka xaq soori karto kolkaa waxaa ii muuqata inaanay Ethiopia ahayn cida xal Soomaaliyeed oo kama dambays ah keeni karta.

Ethiopia waa deris dhexdiisa uu ka jiro jahawareer siyaasadeed oo arimo gudihiisa ah la daalaa dhacaya oo aduunku daymo badan ku leeyahay iyadoo waliba deeqo aan xad lahayn loo yabooho mar walba hadana baahida iyo fakhriga hadheeyay Ethiopia maaha mid sahlan.

Lacagta Ethiopia Bangiyada u taalaa maaha mid waxa Ethiopia kasoo iibsato dibeda ku filnaan kara hal usbuuc oo kaliya ayaa hadana dadka Soomaaliyeed waxay ku sirmayaan jiritaankeeda ah kaliya quwado shisheeye isu hayaan oo runtii sax ah waayo Ethiopia burburtaa dhibta ugu badan Soomaali ayay ku keeni kartaa.

Dalal badan oo hore u marti galiyay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland waxay ahaayeen qaar Soomaali ku kala hagoogan kara oo nolol la buuri kara sida dalka Turkiga oo runtii wax badan u qaban karay Soomaalida gabi ahaanteedba isagoo imikana taageero fiican siiya dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa kale oo wada hadalada wax badan ku kordhin karay dhamaanba dawladihii hore u galay oo kala ahaa UK, Emirates iyo Djibouti. Kuwan waa kuwo dhamaantood ku dhaami kara Ethiopia in ay wada hadashiiyaan Somaliland iyo Somalia.

Waxaan leeyahay Ethiopia waxay wada hadashiiso dhaafe dad badan oo Soomaaliyeed oo maanta aanay cadaawad Soomaaliyeed ku jirin ayay gacanteeda ku abuuri doontaa kolkaa waxaa u khayr badan in ay faraha kala baxdo dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyagu intay doonaan haku heshiiyeene.

3- Hadii Soomaaliland Ethiopia ku gacansaydho maxay ku waayi kartaa

Ethiopia waxay xuduud dheer la wadaagtaa Soomaaliland iyo Soomaaliya labadaba balse xuduudka Ethiopia iyo Somaliland waa mid nabdoon oo dawlada Ethiopia wax kharash iyo naf bini aadam midna kuma waydo halka xuduudka dheer ee Soomaaliya iyo Ethiopia kala dhaxeeya ayay naf iyo maal ku seegto maalin iyo habeen.

Somaliland oo Ethiopia ku gacaysaydha wax ay ku waayi karto oo aan ka ahayn in Diyaarada Ethiopia Airline laga joojiyo iyo in Qaadka ka imaada dhanka Ethiopia laga joojiyo oo labaduba dhaqaale ka saara Somaliland iyadoo Ethiopia ka samayso dhaqaale xoogan oo dakhligeeda tiiriya.

4- Khatarta amni ee dhalan karta hadii Soomaaliland noqoto dhul maamul beelay oo fawdo ah.

Somaliland waxay dhinaca ku haysaa gacanka cadmeed iyo bada cas waxa kale oo kulaalaysaa Soomaaliya oo qalalaase lagu ogyahay kolkaa hadii maanta aan aad loo dareemin kaalinta amni ee ay ku leedahay Geeska Bari ee Afrika waxa la ogaan doonaa maalin aan waxba laga qaban karin natiijada ka dhalata burbur dabadii.

Somaliland waxaa dhaca Buuraha Silsilada Golis ee dalkeena mara iyagoo ku xarooda gudaha dalka aynu deriska nahay ee Ethiopia kolkaa hadii Yemen oo qasan Somaliland ku biirto waxa samaysmi doona dhul bahalo galeen ah oo cid walba lagu soo dhaweeyo oo ka dhib iyo khasaare bata TORABORA iyo Afghanistan iyadoo natiijo kasta oo qadhaadh badani hurdada u diidi doonto dadka maanta nabdoon ee Ethiopian ka ah.

Dadka Reer Somaliland oo maanta ah dad nolol fiican oo nabad haysta waxay maamul la’aan kastaa u keeni karta baro kac iyo burbur nololeed oo baahsan waayo waa sunaha meel aan kala dambayni ka jirin.

Labadan arimood ee aan kor ku sheegay ayaa ugu waawayn laakiin wax kale oo aanan halkan kusoo wada koobi karin Iyana way ka dhalan karaan dhib kasta oo ku timaada maamulka iyo kala dambaynta Somaliland.

5- Faa’iido noocee ah ayuu helayaa Farmaajo haduu Hargeysa ka dego bilaa shuruud

Geesi gaadhay guul aanu u dedaalin ayuu noqonayaa isla markaanan xaqiijiyay Riyo aanu waligii ku riyoon oo ah inuu Soomaali mushkiladeedii soo af-jaray.

Farmaajo mudadii uu xilka hayay wuxuu Somaliland kula kacay ficilo aanu waxba reeban oo axmaqnimo ah sida inuu dhoofka xoolaha xayiro iyo mucaawimo aduunku qoondeeyay oo qaybiyo inuu hor istaago balse labadiiba waxba ugama suuroobin. Waxa intaa dheeraa isagoo Farmaajo aan marna muhiimad siin inay sii socdaan wada hadaladii Somaliland iyo Somalia balse tani aan maanta tahay waxa aan ciwaanka ku sheegay ee ah ‘’Baroortu Orgiga ka Wayn’’…

Anniga oo qoraha qormadan ahi walow aan qoraalkan ku cabirayo aragtidayda hadana iima diidayo inaan ka markhaati kaco waxaan ogahay oo ah inaan markhaati nool ka ahayn dibindaabyada aan ku sheegay inuu Farmaajo Somaliland ula badheedhay mudadii uu xilka soo hayay.

Hase ahaatee Farmaajo oo si aan aad looga arinsan ku taga Somaliland waxay ka dhigi doontaa geesi aan qayrkiis la tartami karin oo rag oo dhan kor uga mudhay.

Farmaajo oo sahal ku taga Somaliland waxay keeni kartaa inuu doorasho kasta oo Soomaaliya ka dhacda noqdo qofka kaliya ee sheegta guulo aan hortii la gaadhin oo uu noqdo mid aan lala tartami karinba.

6- Muuse Biixi iyo inta talada la lihi maxay ku dambayn doonaan hadii Farmaajo Hargeysa tago

Dadka shacabka ah ee Reer Somaliland oo mudo dheer aan gaabis mooyee fashil arkin waxay ku noqon doontaa qadarjab iyo qoomamo aan waligood ka hadhin in lagu hor qaawiyo Madaxweynahii ay doorteen oo ilaalin kari waayay qadiyadii iyo dastuurkii loo dhaariyay isagoo ka cabsaday wiilal yaryar oo siyaasada macaankeeda mooyo aan qadhaadh ay leedahay wali dhamin.

Muuse Biixi iyo inta talada la wadaagta waxay ku dambayn doonaan dad aan qiimo lahayn oo dadkoodii gatay halka ay wada hadal dabadiis waxay umadooda usoo qaadaan ku qancin lahaayeen.

7- Abiye Axmed oo dalkiisa dildilaac ka jiro maxaa ugu jira Soomaali aan dalkiisa ahayn

Raysalwasaaraha Ethiopia wuxuu helay Abaalmarinta Nabada Aduunka kolkaa sharaftaas inuu meeshaas ku ilaaliyo ayay ahayd laakiin wax badan oo ka daadin kara ayuu imika faraha kula jiraa Soomaalidu sida uu moodayo haday u sahlan tahayna dad badan oo hortiis taliyay faraha kagamay gubteen.

Abiye dhibaatada dalkiisa maaha mid uu wada Maarayn karo oo dad badan oo dambiyo loo tiriyo ayaa gobolo Ethiopia ah iska jooga oo aanu soo qaban karin, doorasho iyo dimuqraadiyada laga rabo inuu dabaqo kuma guulaysan karo oo waad u jeedaan, amniga iyo dhaqaalaha Ethiopia qofna kama qarsoona kokaa inuu faragaliyo wada hadalada labadan dhinac ee Soomaaliyeed waa inuu isu mashquulinayo oo midii gudihiisa ee ka qabyowday awoodna u waayay halkan usoo duwayo.

Dawlado awood badan inuu u adeegayo oo dano ay Guud ahaan Afrika iyo Geeska ka leeyihiin la xaqiijinayo isagoo mashruuca ku darsanaya dano u gaar ah dalkiisa oo rabo inuu gumayste madaw oo ina ilawsiinaya dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed ee Ethiopia ku maqnaa.

Jamhuuriyadii Soomaaliyeed oo uu ka dhex arkay inuu ka helay madaxweyne danta Ethiopia leedahay u fulin kara oo marna aan caasi ku noqon karin kolkaa uu rabo inuu Farmaajo u dhisho Boqortooyo aan dhicin isagoo wax badan ku xaqiijin doona kacaankaas uu dhistay.

Gabogabo iyo Gunaanad

Waxaan kusoo koobayaa faaladaydan ‘’Baroortu Orgiga ka Wayn’’ oo aan ugu jeedo waxa meesha ka socdaa fikir iyo karti Afrikan ka wayn ee maxaa Muuse Biixi oo aanu u naqaanay inuu yahay nin birta calashaday maxaa ka OOHIYAY amma AAMUSIIYAY.

Dhamaad
Allaa Mahad Leh

Guuleed Caydaruus Cige

LEAVE A REPLY