Barnaamijka Shaqo-qaran waa xoojinta wadaniyada, is dhexgalka Bulshada,hiigsiga tubta iyo gaadhista hilinka ka mid ah hayaan ka geediga loo lalabay horumarka qarankeena JSL.

0
1044

Waxa ay maanta sharaf wayn u ahayd dhamaan bulshada JSL gaar ahaan da’yarta aqoonta iyo kasmo-garaadka Allah hibo u siiyay Ee JSL ee fursad u helay in lagu balaysimo barnaamijka Shaqo Qaran markii ugu horaysay inaan maanta kala qayb galo soo xidhitaankii wajiga 1aad Ee Barnaamijka Kuliyada Haragwaafi ee tababarka saraakiisha Ee Magaalada beeraha iyo Biyaha Ku hodan ka ah Ee Dararwayne Ee Duleedka Barri-Waqooyi Caasimada Hargeysa. Runtii Waxaan halkan uga mahad celinayaa Madaxwaynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu keenay barnaamijkan, si dhalinyarada oo ah xoogii mustaqbalka, cuddudii qaranka iyo hogaamiyayaashii berri ee qaranka JSL ay u noqdaan kuwo ka dhabeeya inay isu diyaariyaan tayaynta naftooda iyo wax ka badalka dhaqanka bulshadooda iyagoo muddo 3bilood ah si kalsamaan iyo isku kalsoonaan ah u doortay inay u tababartaan ka qayb qaadashada daryeelka iyo ilaalinta bulshadooda, hirida cadowga, suulinta caadifada iyo cunfiga liita ee aafada qabyaalada iyo qoqobka iyo guud ahaan horumarinta qarankooda.

Waxaan leeyahay keliya- Allaah garabkiina ha galo mudada aad waajibaadka shaqo qaran Ku jirtaan marka hawshaas soo dhamaysaana waxaynu isugu iman doonaa habka shaqaalaysiintiina joogtada ah oo si rasmiya uga mid noqonaysaan Cudduda Shaqaalaha Qaranka JSL.

Farxaan Aadan Haybe

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

LEAVE A REPLY