Barnaamijka Shaqo Abuurka Dhalinyaradda Somaliland Oo Burco Ka Furmay

0
666

Burco (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaarada  shaqo gelinta iyo Arrimaha  bulshadda Somaliland ayaa  maanta magaalada  Burco  ka daah-furtay  barnaamijka shaqo abuurka  dhalinyarta Somaliland.

Barmaajikan shaqo abuurka dhalinyaradda oo ah mid sanad leh ayaa munaasibadii lagu furayay  waxaa ka soo qayb galay  wasiirka shaqo galinta Hinda Jaamac Gaani,   maayarka  magaaladda Burco Maxamed  Yusuf  Muraad, Guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Hinda Jaamac Gaani, oo  furitaankii barnaaamijkaasi hadal  ka  jeedisay ayaa sheegatay  in u jeedada  shirkaasi loo qabtay tahay  kor qaadista shaqo abuurka dhalinyarta dalka.

Waxaanay  tilmaantay in u jeedadda shirkan laga leeyahay ay tahay kor u qaadista shaqo abuurka  dhalinyarada reer Somaliland  gabdho iyo wiilalba.

Waxaanay tidhi “Shirkan maanta aynu furaynaa,  waa shir sannadkii-ba mar ay qabato wasaarada shaqo galinta Arrimaha bulshadda iyoQoyska.

Waxaanan aad ugu mahad celinayaa hay’ada Save the Children oo gacan ka gaystay shirkan,  oo markasta gacan nala bar-bar taagan.

Ujeedadda shirkan loo qabtay waxa weeye,  kor u qaadista shaqo abuurka  dhalinyarada reer Somaliland  gabdho iyo wiilalba. Waxaanu maanta  ku qabanay shirka sannad laha ah ee  sannadkan  2019-ka magaaladda Burco”.

Hinda Jaamac Gaani, waxa kaloo ay sheegtay in ay  diyaar u yihiin in ay bulshadda gaadhsiiyaan baahi kasta oo ay qabaan, sida uu farayo xeer-nidaamiyaha wasaaradu.

“Markasta waxaanu diyaar u nahay in aanu gaadhsiino baahiyaad kastoo bulshadu qabto iyo wax kasta oo ay nafarayso masuuliyadda na saarani iyo awaamiirta waajibaadka dastuuriga ah. Anagoo  fulinayna   awaamiirta madaxweynaha.

Run ahaan sida uu jideeyay xeer-nidaamiyaha, waxa uu jideeyay in ay ka masuul noqoto ilaaliso iyo sidii lagu heli lahaa shaqo abuur dalka ka  hana qaada”ayay tidhi wasiir Hinda Gaani.

Geesta kale wasiirku waxay sheegay in ay  Burco ay ka furi doonaan xafiiska shaqo-doon, kaasoo ka qayb qaadan doona sidii dhalinyaradda jaamacadaha dalka dhamaystay ay shaqooyin u heli lahaayeen.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaanu magaaladan Burco ka furi doonaa xafiiskii labaad ee shaqo-doon ka.

Waxaananu ka furi doonaa xarunta wasaarada shaqo galinta iyo Arrimaha bulshadda ee magaaladda  Burco. Waxaanu sahlayaa xafiiskaasi shaqo-doon, sidii ay  shaqo u heli la haayeen dhalinyarta dhamaysatay  Jaamacadaha dalka.

Wasaaradda shaqo galintu waxay diyaarisay  siyaasadihii  qaranku yeelan lahaa, kuwaasoo sahlaya  sidii   shaqo loo abuuri lahaa.  Waxaananu ka wasaarad ahaan xil iska saarnay in ay barto xirfad ay ku shaqo tagaan dhalinyaradu”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY