Bariga Afrika: Somaliland oo Noqotay Dalka Uu Ka Dhaco Ugaadhsiga Ugu Badan Ee Harimo-cadku

0
1984

Hargeisa (Hargeisa Press) – Bishii hore ee July, laba Harimad ayaa khatar galay, ka dib markii ay 25 Maalmood ay Gacmahooda ku jireen Dad ka shaqaysta Dhoofinta Sharci-darrada ah ee Duur-joogta, falkaasina wuxuu ka dhacay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland, taasi oo aan ka fogayn xuduudka Itoobiya.

Bulshada ku dhaqan Magaalada Boorama ayaa gacan ka geystay in la helo Harimo-cadyadaasi iyagoo khatar ku jira oo Awood-darreeyay, waxaana markaa ka dib soo gaadhay halkaasi hawl-wadeeno ka socday Sanduuqa daryeelka Harimo-cadka ee Magaciisa loo soo gaabiyo (CCF), kuwaasi oo markii dambe u qaaday guri ammaan ah.

Tan ayaa waxay ka mid tahay ugaadhsi joogto ah oo lagu hayo Harimo-cadka ku nool Somaliland, waxaana July illaa August, 2020 sidaasi oo kale khatar u galay 20 Harimo-cad, laakiin waxa lagu bedbaadiyey Hawl-gallo ay wada-jir u sameeyeen Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga iyo Booliska oo ay taageerayaan (CCF).

14kii Sebtember, laba Harimo-cad ayaa laga qabtay gobolka Sool, kan ugu yar wuxuu jiray laba toddobaad oo keliya. Guud ahaan, 25 Yaryar oo Harimo-cad ayaa lagu soo warramay in lagu qabtay ama laga soo badbaadiyey Somaliland inta sannadkan lagu jiro.

Ugaadhiga Harimo-cadku maaha arrin ku cusub Somaliland oo way jirtay illaa 2010-kii, laakiin wacyi-gelinta ku saabsan inay arrintaasi aanay sax ahayn ayaa kor u kacday wixii ka dambeeyay sannadkii 2018-kii oo Somaliland samaysay Xeerka Duur-joogta iyo deegaanka.

25% ka mid ah Harimo-cadka (Cheetah) laga ugaadhsaday Somaliland ayaa markiisii hore ka yimid Itoobiya.

Ugaadhsiga Harimo-cadka yaryar ayaa dhaca marka Hooyadu ay Ugaadhsi tagto, waxaana arrintaa ka qayb-qaata Dad Baadiyaha ku nool.

Harimo-cadka dhasha ah ayaa gudaha Somaliland lagu kala iibsadaa 200 illaa 300 Dollar, Harimo-cadka waaweyna wuxuu marayaa illaa 1,000 Dollar, laakiin kaa ka la midka ahi wuxuu Dalalka Khaliijka Carabta laga siisanayaa illaa 15,000, taasina waata Somaliland ka dhigtay Dalka Bariga Afrika ugu badan ee laga ugaadhsado Harimo-cadka, sida ay sheegayso Global initiative oo ka shaqaysa dambiyada ka dhanka ah ugaadhsiga Duur-joogta Adduunka.

LEAVE A REPLY