Baraha Bulshadu Ku Xidhiidho Oo Aad Loogu Qaadaa Dhigay Musharaxnimada Garyaqaan Barkhad Ee Waddani Iyo Takooristii KULMIYE Ku Sameeyey Cali Cabdi Saa’iq

0
1087

Hargeysa, (HargeisaPress) —Baraha Bulshadu ku xidhiidho ayaa shalay aad loogu qaadaa dhigay Musharaxnimada Madaxweyne Ku xigeenka ee uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo Xoghayaha Cadaaladda iyo Arimaha Garsoorka Xisbiga WADDANI Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun,waxaana aad u soo dhaweeyay dad badan oo ku tilmaamay shaqsi aqoon leh oo siyaasada u bisil oo ku haboon inuu booskaasi qabto,Waxa si gaar ah u soo dhaweeyay musharaxnimada Garyaqaan barkhad dhalinyarada Reer Somaliland oo aad ugu Farxay Hanka Uu ka dhawaajiyay Garyaqaanku.

 

Waxa si gaar ah baraha bulshada ku xidhiidho aad loogu soo bandhigay, islamarkaana loogu Falanqeeyay Shaacinta Musharaxnimada Garyaqan Barkhad Jaamac Batuun, iyadoo sidoo kalena aad loogu bogaadiyay Xisbiga WADDANI sida uu dhex ugu yahay inay iska dhex sharaxaan Dhamaan beelaha Reer Somaliland ee aanu ahayn mid cid gaar ah u xidhan, sida Xisbiyadii ka horayay ee Kulmiye,UCID,Iyo UDUB ee ay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ugu ogolaanyeen oo qudha inuu isku soo taago shaqsi ka soo jeeda Beesha qudha ee degta Gobolka Awdal,arintaasi oo soo taxnayd tan iyo intii ay Somaliland jirtay,iyadoo madaxweyne Ku Xigeen kasta oo Somaliland soo maray uu ka soo jeeday Gobolkaasi Awdal,illaa ka hadda jooga marka lagu daro. Waxa sidoo kale aad loogu qaadaa dhigay sida kalsoonida iyo Geesimadu ku jirto ee uu Barkhad ugu dhawaaqay inuu u tartamayo booskaasi oo ay hortii iclaamiyeen Tiro shan Musharax kor u dhaafaysaa.

 

Waxa dooda ugu Culus ee Shalay ka dhacday Baraha Bulshadu ku waajahnayd oo si gaar ah diirada loogu saaray Labada Xisbi siyaasi ee WADDANI Iyo Kulmiye oo loolan adagi ka dhex aloosan yahay,kuwaasi oo lagu soo qaatay sida ay Ugu kala laab furan yihiin Beelaha Laga tirada badan yahay,waxa si gaar ah loogu dooday Musharaxnimada Madaxweyne Ku xigeen ee uu Barkhad ku dhawaaqay inuu ka dhex loolamayo Xisbiga WADDANI iyo qaabkii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ula dhaqmay Wasiirkii ku xigeenkii hore ee Wasaaradda hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq oo isku beel ka soo wada jeeda,arintaasi oo barigaasi cirka isku shareertay, islamarkaana sababtay inuu Cali Cabdi Saa’iq shir jaraa’id oo uu qabtay kaga waramay qaab fool xun oo uu Muuse Biixi ula dhaqmay,waxa la sheegaa inuu Muuse Biixi ku tiraabay erayo meel ka dhac ah oo hayb sooc ah,kuwaasi oo lagu baahiyay Baraha Wararka. Waxa aad shalay loogu dooday sida ay Masuuliyiiinta Labada Xisbi ugu kala aragti duwan yihiin fursad siinta Bulshada aqoonta leh ee ka soo jeeda Beelaha Gabooye, kuwaasi oo mudooyinkan dambe si weyn uga soo dhex muuqda Golaha Siyaasada Somaliland.

 

Wargeyska Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here