Baqdaadi “Ma jiraan dad uu lacag ka dhacay muwaadin Looge Yuusuf”…

0
722

Hargaysa (Hargeisa Press): Guddoomiyaha baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland Cali Jaamac Ibraahim (Baqdaadi), ayaa beeniyay in muwaadin u dhashay Somaliland oo magaciisa la yidhaahdo Looge Yuusuf Cali, uu dad lacag kaga soo dhacay mashruuca adeega lacagaha ee Forex.

Waxaanu sheegay Baqdaadi, in aanu adeega lacagaha ee Forex ka shaqaynin jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana baadhitaan maaliyadeed oo ay ku sameeyeen Akaawnadda Looge Yuusuf, ay ku cadeeyeen in aanu jirin wax lacag ah oo uu dad ka soo dhacay.

Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland markii uu ogaaday in shirkadaha iyo ashkhaasta ku adeegata mashruuca Forex, ay yihiin Budhcad ku shaqaysata nidaam loo yaqaano ‘jiif oo jaqa’.

Wuxuu soo saaray baanka dhexe ee Somaliland taariikhdu markay ahayd 19-kii bishii February  ee sanadkan 2020-ka, wareegto uu ku mamnuucayo in ay shirkadahaasi ka hawl-galaan gudaha Somaliland.

Waxaanu al-baabadda u laabay xafiisyadii ay ka hawl-geli jireen, sida uu sheegay guddoomiye Baqdaadi, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Kadib markii ay dhawaan soo baxeen eedaha la xidhiidha in Looge Yuusuf Cali, uu dad lacag kaga soo dhacay dalalka aynu jaarka nahay, ayuu sheegay Baqdaadi in ay  baadhitaan ay ku sameeyeen xisaabaadkiisa.

Hase yeeshee ay u cadaatay in aanay arrimahaasi waxba ka jirin, isla markaana ay muddo sodon maalmood ah sugayeen dhawaaq ka soo yeedha cid sheeganaysa in uu Looge Yuusuf, lacago ka dhacay.

Sidaas darteedna uu baanka   baanka dhexe go’aansaday in uu xayiraadda ka qaado hantidii iyo maalka uu leeyahay Looge Yuusuf Cali, maadaama aanu jirin sharciyad aanu ku sii haysano hantidiisa iyo maalkiisa.

Dhinaca kale guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland ayaa uga digay bulshadda in ay ka feejignaadaan in ay isticmaalaan adeega Forex oo uu sheegay in uu yahay mashruuc ay si khaldan u adeegsadaan dad danno gaara leh.

Daawo: Baqdaadi Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY