Bandhigga Caalamiga Ah Ee Bugaagta Hargeysa oo Maanta Furmay

0
1276

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, maanta ka furmay Bandhigga 15aad ee caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, kaasi oo ay sannad kasta bisha 7-aad soo qaban-qaabiso Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Bandhigan buugaagta Hargeysa oo shan iyo toban jirsaday, ayaa lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee magaaladda Hargeysa, waxaana sanadkan bandhiga marti ku ah dalka Senegal, iyadoona halku dhaga sanadkuna ahaa “Wadajir”.

Waxaa Bandhigan buugaagta ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda Hargeysa, xildhibaano, madax ka socotay dalalka jaarka ah, madax kale oo caalamka ah, safiirka Taiwan, Madaxa Xafiiska Britain ee Somaliland, abwaano, ganacsato, shirkado iyo bahda qoraalka iyo akhriska.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa, ahna aasaasaha Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo hadal mahadnaq u badan ka jeediyey munaasibadda furritaanka bandhigga, ayaa u mahad-celiyey Dadka ka qayb-galay ee gudaha iyo madaxda dalalka dibaddiisa uga yimi bandhigga iyo cid kasta oo qayb laxaad leh ka qaadatay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo furay carwada bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa ayaa u mahad’celiyay wufuuddii kasoo qayb gashay bandhigaasi, ayaa dhallinyarada reer Somaliland ku dhiirrigeliyey inay ku dedaalaan akhriska iyo qoraalka, isaga oo madaxda hawshan gacanta ku haysana ku bogaadiyey dedaalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here