Burco (Hargeisa Press) – Waxaa magaaladda Burco ee xarunta gobolak Togdheer ka socda banana-baxyo waa weyn oo lagaga soo horjeedo xukunka lagu riday General Jaamac Maxamuud (Doollaal).
Dadweyne ka cadhaysan xadhiga General Doollaal, oo maxkamada millateriga Somaliland shalay ku riday xukun 2 sano oo xabsi ah, ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Burco.
Dadweynaha isku soo baxa sameeyay ayaa sitay boodhadh ay ku xardhanyihiin halku dhagyo ayku dalbanayaan in General Doollaal lasii daayo.
Ilaa iyo hada xog rasmi ah lagama hayo in wax khasaare ahi ka dhashay banaanbaxa iyo inkale.
Xukunka ay maxkamada millaterigu ku riday General Doollaal ayaa cadho ka dhex abuuray qaar ka mida bulshada Somaliland.