Bambo Gacmeed Caawa Lagu Weeraray Xarunta Wasaarada Maaliyada Somaliland Ee Gobolka Awdal

0
12431

Boorama (Hargeisa Press)- Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in Bambo Gacmeed lagu weeraray xarunta Wasaarada Maaliyada Somaliland ee gobolka Awdal.

Qaraxa ayaa waxaa jugtiisa intabadan la maqlay gudaha magaalada Boorama.

Weerarkan Bambo Gacmeedka ah ee lagu weeraray Xarunta Wasaarada Maaliyada Somaliland ee gobolka Awdal ayaa dhacay Abaaro 11:50 Habeenimo.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in weerarkan uu khasaare ka soo gaadhay Baabuur dhextaalay gudaha xarunta Wasaarada oo burbur xoogani soo gaadhay, Mana jiro ilaa iyo hada wax khasaare kale ah oo ka dhashay qaraxan.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin cida ka dambeysay Qaraxan lala eegtay xarunta Wasaarada Maaliyada, iyadoona Ciidamada amniga iyo maamulka gobolka Awdal aanay wax war ah ka soo saarin qaraxan.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Suldaanka guud ee Beesha Samaroo laga hor istaagay in uu galo magaalada Boorama, iyadoona dadweyne talaabadaasi ka cadhaysani ay dhigeen dibadbax sababay dhaawaca Hal Qof.

Wixii wara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here