Wasiirka Sacad Oo Sheegay In Al-baab Ganacsi U Furmayo Somaliland

0
953

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire,  ayaa sheegay in Somaliland ay u furmi doonaan fursado ganacsi oo badan marka la dhamaystiro ballaadhinta dekeda Berbera iyo aaga cashuuraha xorta ka ah.

Waxaanu tilmaamay  in Somaliland ay dalal badan la leedahay xidhiidh ganacsi oo weyn,  isla markaana loo baahan yahay in la sii koriyo ganacsiga dalka Somaliland ka jira.

Wasiir Sacad, oo shalay hadal ka jeediyay xidhitaanta kulan ku saabsanaa Cilmi baadhis laga sameeyay Saamaynta heshiisyada ganacsiga iyo isu-gudbinta alaabooyinku ay ku yeelanayso dakhliga dawladda iyo ka ganacsiga dalka oo Hargaysa lagu qabtay.

Waxaanu intaa raaciyay  in  xidhiidhka ganacsi  ee ugu muhiimsan ay Somaliland la leedahay Itoobiya, isla markaana labadda dal ay yihiin kuwo  jaar ah oo  xidhiidh fac weyn oo qarniyo badan soo taxnaa ay wadaagan.

“Ganacsigu sidiisaba ma aha wax soo saar,  oo dhulkeena waxba lagama soo saaro. Laakiin,  waxa uu qabtaa khidmad loo baahanyahay, oo inta wax soo saartaa u baahan tahay,  waxa uu isku xidhaa laba isku baahan.

Markaa waa khidmad isku xidhaysa ciddii wax is-waydaarsanaysay. Si  markaa qof waliba wixii uu u baahanyahay u helo,  ayaa waxa abuurmaya baahi tiro.

Daraasad lagu sameeyay qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha guud ahaan wax soo saarkeena waxaa xaga sare kaga jira Xoolaheena iyo Ganacsiga”ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Dr. Sacad Cali Shire,  waxa kaloo uu sheegay in loo baahan yahay in la kobciyo dhaqaalaha dalka, isla markaana. Waxaanu yidhi  “Dhaqaalaheenu waxa uu u baahanyahay in la kobciyo. Waayo?  Wadamo fara badan ayaynu xidhiidh  ganacsi wadaagnaa.

Wadanka wadamadaa innoogu muhiimsan xaga ganacsiga, waxaa ka mid ah dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay oo dadkiisu yahay 100 milyan iyo dheeraad.

Waxaanan la filayaa 25 sanno kadib in ay noqdaan dadkiisu 250 milyan.  Fursado ganacsi oo badan ayaa ka dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland,  waxaanan is waydaarsan karnaa wax soo saarka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya”.

Geesta kale wasiirka maaliyadda Somaliland waxa uu carrabka ku dhuftay in marka uu dhamaado dhismaha casriyaynta dekadda Berbera in la filayo in ay Somaliland u furmaan al-baabo fara badan oo ganacsi.

“Marka ay dhamaato ballaadhinta dekedaa Berbera,  ee firiisoonka aynu u samaysano,  ee ay inoo dhamaato  Wadadaa isku xidhaysa Wajaale iyo Berbera (Berbera corridor), waxa inoo furmi doona al-baabo fara badan oo ganacsi”ayuu yidhi wasiirka maaliyadu.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here