Badhasaabka Sool Oo Soo Kormeeray Cusbitaalka Laascaanood

0
528

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe,  ayaa maanta kormeer indho indhayn ah ku soo maray cubsitaalka guud ee magaaladda Laascaanood.

Ujeedada kormeerka badhasaabka la xidhidhay sidii uu wax uga ogaado habsami u socodk shaqo iyo adeegyada cusbitaalku siday u socdaan, bukaan-jiifka ku jira iyo daryeelkooda  iyo sidoo baahiyaha ka jira cusbitaalka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Badhasaabka waxaa halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiinta kala duwan ee cusbitaalka, kuwaasoo warbixino ka siiyay xaaladaha iyo hawlaha shaqo ee ay ugu adeegayaan dadka bukaanka ah.

“Waxa uu ka mid ahaa hawl-maalmeedka shaqo ee aan dawlada dhexe masuuliyadeeda gobolka Sool ay iigu igmatay, ayuu ka mid ahaa kormeerka aan saaka ku tegey xarunta cusbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.

Waxaanu ahaa mid aan wax kaga ogaanaynay sida ay u socoto guud ahaanba shaqada cusbitaalku. Sidoo kale in aan wax ka ogaano daryeelka guud ee bukaan jiifka iyo kuwa la socda-ba xanuunada iyo baahiyaha ka jira ee u baahan in wax laga qabto.

Intaa waxaa noo raacday in aan dar-dargelin iyo dhiirigelin shaqaalaha bahda caafimaadka la soo wadaagno”ayuu yidhi badhasaabka oo caawa telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan.

Badhasaabka Sool ayaa uga mahad celiyay madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee cusbitaalka Laascaanood sida masuuliyadda leh ee ay ugu shaqaynayaan bulsadoodda.

Waxaanu yidhi “Sidaa awgeed waxaan halkan si aan qiyaas lahayn ugu mahad celinayaa dhamaanba bahda caafimaadka heer gobol iyo heer degma-ba, oo gaadhsiisan ilaa masuuliyiintooda ilaa shaqaale hoosaadka.

Iyadoo aan kala kulmay soo dhawayn iyo dhamaanba qayb kastoo ka mid ah cusbitaalka oo la i geeyay si aan indhahayga ugu soo arko.

Runtii waxay ahayd si mahad celin mudan oo aan la wadaagayo maanta waajibaadka ay bulshada u hayaan iyo sida ay kaalintooda oo ah ta ugu daran marka laga eegayo baahiyaha shacabka. Mar labaad iyo mar sadexaad-ba halkan ayaan uga qirayaa mahad celinta ay mudan yihiin ka qirayaa.

Waxaanan leeyahay waajibka culus ee aad bulshada u haysaan iyo sida aad u daboosheen indhahayaga ayaa nooga markhaati furaya”.

Dhinaca kale Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sheegay in dhibaatadda keliya ay cusbitaalka Laascaanood ku soo arkay ay tahay Koronto la’aan, isla markaana ay masuuliyiinta cusbitaalka isla qaateen in si dhakhso ah koronto loo soo geliyo.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi,  “Baahiyaha dhankooda oo aan masuuliyiinta cusbataalka guud la soo wadaagnay, isla markaana hawl-shaqeedka ka dhimani uu ahaa Laydhka (korontadda), isaga-na waxaanu isla qaadanay anaga iyo madaxda heer gobol iyo heer degmo ee caafimaadku, in sida ugu dhakhsaha badan loo geliyo cubitaalka guud laydhka noociisa soller-ka ah.

Kaasoo wax badan uga fiican dhanka shaqada iyo qalabka loogu adeegayo bulshada-ba” ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Sool.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY