Badhasaabka Sool Oo Ka Hadlay Nin Xalay Lagu Xidhay Laascaanood

0
910

Laascaanood (HP): Badhasaabka Sool ayaa ka hadlay Abuukar Cawaale, oo ku magac dheer Qaad-diid oo ay xalay boolisku ku xidheen magaaladda Laascaanood.

Ninkaasi ayaa la xidhay kadib markii ay boolisku hudheelkii uu deganaa ay ka soo qabteen.

Inkastoo muddo gaaban markii uu xidhnaa la sii daayay ninkaasi, isla markaana dib loogu celiyay magaaladda Garoowe oo uu markii hore ka yimid.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ninkaasi ku eedeeyay inuu magaaladda Laascaanood ka abaabulayay kulamo sharci darro ah.
Kaasoo uu sheegay in uu ogolaanshiyo la’aan ku soo galay Somaliland isagoo ka yimid dhinaca Soomaaliya.

Guddoomiyaha Sool oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa kaloo uu sheegay gobolka Sool uu ka mid yahay dhulka Somaliland, isla markaana aan laga ogolaan karin wax ka soo hor jeedda siyaasadda Somaliland.

Waxaanu digniin u diray cid kastoo isku dayda in ay Sool la timaado u jeedooyin kale oo isku dayda in ay shirar ama kulamo ka abaabusho.

Daawo:Shirka Jaraa’id Ee Badhasaabka Sool:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY