Badhasaabka Sool Oo Bulshadda Ku Hanbalyeeyay Xuska 18-ka May

0
787

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool ayaa dhanbaal hambalyo ah u diray guud ahaanba shulsho-weynta Somaliland gaar ahaana shacadka gobolka Sool, xuska 29 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland lagu dhawaaqay awgeed.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa u rejeeyay guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland in dagaal-dega xuska maalinta qaran ee 18-ka May uu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabadgeliyo, barwaaqo iyo badhaadhe.

Dhambaalka hanblayadda ah ee badhasaabka Sool ayaa u dhignaa sidan, “Hambalyo dhammaanba bulshadda reer Somaliland, Xuska munaasibadda 18-ka May.

Waxaan Hambalyo u dirayaa anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca shacabka gobolka Sool ee jamhuuriyada Somaliland, dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaana bulshadda gobolka Sool.

Madaxwaynaha qaranka iyo madaxwayne ku-xigeenka dhamaan xukuumadda jamhuuriyada Somaliland, asxaabta qaranka iyo ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga xaasaskooda iyo caruurtooda-ba.

Waxaan leeyahay hambalyo 29 guurradda ka soo wareegtay xuska munaasibada qaran ee 18-ka May.

ILLAAHAY SWT  maalintan maalinteed haynagu gaadhsiiyo nabad iyo horumar, barwaaqo iyo badhaadhe insha ALLAAH”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY