Badhasaabka Sool Oo Bogaadiyay Khudbaddii Madaxwaynaha Somaliland

0
620

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha Gobolka Sool C/qani Maxamuud (Jiidhe), ayaa sheegay in gobolka Sool xaaladiisa guud ee dhinacyadda amaanka iyo horumarku uu maraayo halkii ugu saraysay.

Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayuu sheegay badhasaabku in uu ka muuqdo horumar weyn oo dhanka bilicda, horumarinta mashaariicaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo nabad gelyada ah.

Waxaanu xusay in horumarkaasi si fiican looga dheehankaro marka la isu eego halkii ay markii hore joogtay iyo koritaanka balaadhan ee ay wakhiyadan danbe samaysay.

C/qani Maxamuud (Jiidhe), oo maanta waraysi gaara siiyay wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA waxa uu tilmaamay in dhinac kastaba uu is-bedel weyni ka tisqaaday gobolka Sool.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Sool ayaa bogaadiyay khudbadii madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, uu shalay ka hor jeediyay labada golle Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiiladda.

Guddoomiyaha ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in ay si wada jira meel loogaga soo wada jeeddo ilaalinta, jiritaanka iyo qadiyadda Somaliland oo aan si fudud ku iman.

Waxaanu ku sifeeyay in bulshadu tahay mid Dooni kaliya wada saaran qof kastana waajib ka saran yahay ilaalinteed, wixii siyaasad ahna ay dadku uga danbeeyaan dawladda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Xigasho: SOLNA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here