Badhasaabka Sanaag Oo Ka Hadlay Xaaladda Nabadgelyo Ee Gobolka

0
961

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa sheegay in ciidamadda amaanku ay ku daba jiraan shaqsiyaad dilal ka gaystay gobolkaasi.

Iyadoo xubnahaasi lagu fulinayo  go’aan cad oo ay xukuumadu ka qaadatay   gacan ku dhiigleyaasha dilalka gaystay in la marsiiyo.

Badhasaab Tiimbaro, oo maanta warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan magaaladda Hargaysa, ayaa xusay in beello ay shaqaaqo dhex martay oo wada dega gobolka Sanaag ay Magihii u kala qaadeen.

Waxa  kaloo uu tilmaamay in roobab mahiigaan ahaa oo todobaadkan ka da’ay gobolka ay khasaare nafeed ka gaysteen magaaladda Ceerigaabo oo ay laba qof ku dhinteen.

Sidoo kale Tiimbaro, ayaa intaas raaciyay in roobabkaasi ay waxyeelo u gaysteen isgaadhsiinta qaar ka mida tuullooyinka hoos yimaadda Ceeribo, isla markaana ay jiraan gaadiid weli degaamadda qaar ku xaniban.

Halkan Hoose Ka Daawo Tiimbaro Oo Arrimahaas Faahfaahinaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here