Badhasaabka Ku-Xigeenka Sool Oo Kulan La Yeeshay Khubarro Ka Socday Wasaaradda Beeraha

0
567

Laascaanood (HP): Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sool Saleebaan Diiriye Joof, ayaa maanta xafiiska gobolka ku qaabilay khubarro iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland.

Masuuliyiintaasi ka socday wasaaradda beeraha Somaliland waxaa hogaaminayay khabiir dhinaca beeraha ah, Ibraahim Cumar Kaahin, ayaa isugu jiray agaasimeyaal, la-taliyeyaal iyo xubno kale.

U jeedadda safarka ay masuuliyiintaasi ku tegeen gobolka Sool ayaa ahayd sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen, isla markaana qiimayn ugu samayn lahaayeen xaaladda wasaaradda beeraha ee gobolka Sool.

Waxaana masuuliyiintaas ka mid ahaa Maxamed Cilmi, oo ah la taliyaha wasiirka beeraha Somaliland, Cali C/laahi Ibraahim.

Agaasimaha waaxda cilmi-baadhista ee wasaaradda beeraha Somaliland iyo Jaamac Axmed Jaamac, agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda horumarinta beeraha.

Waxaana kulankaasi ku wehelinayay isu-duwaha wasaaradda beeraha ee gobolka Sool.

Halkna Ka Daawo Kulankaasi iyo Hadaladii Laga Jeediyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here