Badhasaabka Gobolka Togdheer oo Dabley Hubaysani Weerartay

0
1482

Burco (Hargeisapress) – Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in deegaanka Cali Saahid oo ka tirsan gobolka Togdheer lagu weeraray badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaan ilaa iyo hadda la garayn sababta loo weeraray, hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku darayaan in rasaas badani ay ku dhacday gaadhiga uu saarnaa badhasaabku, isla markaana aanu wax ku noqo badhasaabku.

Dhinaca kale, Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa ilaa hada wax faah faahina ka bixin sababta ay u soo weerartay dableydu iyo cida ay ahaayeen.

La Soco Goordhow Faaf-faahinta Warkan

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY