Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo Ka Jawaabay Cabasho Uga Timid Qoys Dan Yar Ah

0
1031

Hargeysa (HP): Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Cabdi Axmed, ayaa maanta gurigoodda ku booqday qoys dan yar ah oo degan magaaladda Hargaysa oo dhawaan cabasho la hor tegay xafiskiisa.

Cabashadda qoyskaasi ayaa la xidhiidhay iyagoo ka cabanayay maamulka deegaanka Ina Barre oo ka tirsan degmadda Sabo-wanaag ee gobolka Maroodijeex.

Qoyskaasi danyar ah oo haysta caruur naafo ah, isla markaana ay ku gedaaman yihiin duruufo kala duwan oo nololeed ayaa guddoomiyuhu wuxuu siiyay lacag uu ku caawiyay.

Jaamac Xaaji Cabdi Axmed, waxa uu u balan qaaday qoyskaasi in wixii dhib iyo duruuf ah ee haysta ay la dareen yihiin, isla markaana arrinta kiiskoodda ay u gudbiyeen maxkamadaha si ay uga gar naqaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here