Badhasaabka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Saldhig Boolis Oo Laga Hirgeliyay Wajaale

0
908

Tog-Wajaale (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa xadhiga ka jaray saldhig boolis oo cusub oo laga hirgeliyay degmadda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.
Xadhig ka jarista saldhigaasi waxaa badhasaabka ku wehelinayay guddoomiyaha degmadda Wajaale C/raxmaan Yuusuf Maxamed, taliyaha qaybta booliska ee gobolka Gabiley, iyo taliyaha booliska ee degmadda Wajaale, iyo masuuliyiin kale.


Saldhigan boolis ee xadhiga laga jaray ayaa noqonaya kii labaad oo ay yeelato degmadda Tog-Wajaale.
Badhasaabka Gabiley C/qani Jiidhe, oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarka saldhigaasi cusub ayaa soo dhaweeyay saldhigan boolis ee cusub ee ay yeelanqyso Wajaale.


Waxaanu sheegay badhasaabku in Wajaale istiraatijiyadda iyo muhiimaddeeda dhinacyada badan leh ay waajibinaya in lagu tuun-tuunsado tayaynta iyo balaadhinta laamaheeda ammaanka.
C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa faray bulshada ku dhaqan Tog-wajaale inay ku xidhnaadaan la na soo wadaagan wixii ay ka shakiyaan ee ay arkaan ciidanka bilayska.

DAAWO: Hadal Jeedintii Badhasaabka Ee Xadhig Ka Jarista Saldhiga Cusub:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here