Badhasaabka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Ceel Biyood Riigg ah+Sawirro

0
369

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda biyaha Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray ceel biyood Riigg ah oo laga hirgeliyay degaanka Botor.


Sidoo kale waxaa xadhig ka jarista ceelkaasi ka qayb galay maayarka Gabiley, masuuliyiin ka socday haayadda directa Aid, xubno ka mida golaha degaanka Gabiley, isku-duwaha wasaaradda biyaha ee Gabiley, iyo masuuliyiin kale.
Ceel biyoodkaasi Riigga ah ee maanta xadhiga laga jaray oo ku yaalla deegaanka Botor oo dhinaca Galbeed kaga began magaaladda Gabiley waxaa maalgelisay haayadda Direct Aid.


Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarista ceel biyoodkaasi ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin waxa ugu muhiimsan nolosha bini’adamka, isla markaana ay yihiin udub-dhexaadka nolosha.

Isagoona tilmaamay in haddii ay bulshadu biyo ku filan helaan in wax walba ay qabsan karaan, sida in ay beeraha ku waraabsadaan.
Geesta kale badhasaabka Gabiley iyo masuuliyiinta wehelinayay waxay kormeer ku tegeen xarunta biyo balaadhinta ee gobolka Gebilay, taasoo ku taalla isla degaanka Botor.


C/qani Jiidhe, ayaa ku bogaadiyay hawl-wadeennada xarunta biyo balaadhinta Gabiley shaqada wanaagsan ee ay qabteen.
Waxaanu sheegay badhasaabku in siyaasadda xukuumadda madaxweyne Biixi, ay ahmiyadaha koowaad u tahay horumarinta biyaha.

DAAWO: Hadalkii Badhasaabka Gabiley:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here