Badhasaabka Gabiley Oo Qaabilay Madax Ka Socday Haayadda UNDP

0
605

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay haayadda haayadda UNDP guddiga qandaraasyadda Somaliland iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Hawlaha guud.
Weftigan uu badhasaabka Gabiley la kulmay oo maanta booqasho ku tegay gobolka Gabiley ayay u jeedadda socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay u soo kormeeri lahaayeen mashaariic ay haayadda UNDP gobolkaasi ka fulisay.


Mashaariicda ay UNDP maalgelisay ee laga fuliyay gobolka Gabiley waxaa ka mid ah dhismaha Saldhiga booliska degmadda Tog-Wajaale, dhismaha Xafiiska Xeer Ilaalinta gobolka Gabiley, iyo mashaariic kale.
Waxaana weftigaasi xafiiskiisa ku qaabilay badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo weftiga faahfaahin ka siiyay halka ay marayaan mashaariicda kala duwan ee horumarineed ee ay haayadda UNDP ka caawinayso xukuumadda Somaliland ee ka socda gobolka Gabiley.
Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay kulankaasi ayaa ka warbixiyay mashaariicda ka socda gobolka Gabiley, iyo doorka xukuumadda madaxweyne Biixi, ee fulinta mashaariicda hor-tebinta leh oo uu ku tilmaamay in ay ka mid tahay barnaamijyadda iyo siyaasadda xukuumadda.


“Waxaanu u taagan nahay, in aanu dabo-galno, oo ilaalino mashaariicda gobolka ka socda. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, xukuumadiisa oo dhagax dhigii u bedeshay, dhagax dhis deg-dega ah.
Taasoo horumarinta mashaariicdu yihiin barnaamijka hor-tebinta u leh siyaasada xukuumadda” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe.
Geesta kale weftigaasi ayaa ka koobnaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga Qandaraasyadda Qaranka Somaliland Cabdicasiis Caga-wayne, saraakiil ka socday wasaaradda Hawlaha Guud, iyo madax ka socday haayadda UNDP.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here