Badhasaabka Gabiley oo Kormeeray Xafiisyadda Dowladda

0
873

Gabiley (Hargeisa Press)- Gudoomiyaha gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta kormeer kadis ah ku tegay qaar ka mid ah xafiiyadda dawladeed ee ku yaalla magaaladda Gabiley.

Goobaha uu kormeerka kediska ah ku tegay badhasaabka Gabiley waxaa ka mid ahayd xafiiska gobolka ee wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ee gobolka Gabiley.

Waxaana halkaasi badhasaabka warbixin ku siiyay Isu-duwaha waxbarashada ee gobolka Gabiley Kayse Ibraahin Abyan, oo sheegay in shaqadda xafiisku ay si wanaagsan u socoto.
Badhasaabka ayaana soo kormeeray qaybaha kala duwan ee xafiisyadda xarunta wasaaradda waxbarashadda ee magaaladda Gabiley.

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here