Badhasaabka Gabiley oo Ka Qaybgalay Caleemo Saarka Jiif Caaqil Cusub

0
451

Gabiley (Hargeisa Press)- Waxaa maanta deegaanka Goray oo ka tirsan gobolka Gabiley lagu caleema saaray Chief Caaqilka Guud ee Beelaha Baha Cali, Chief Caaqil Shucayb Maxamed Maxamuud.

Waxaana ka soo qayb galay caleemo saarka jiifka badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka Gabiley, xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland.

Sidoo kale, waxaa caleemo saarkaasi ka soo qayb galay madax dhaqameed tiro badan, oo ka kala socday goboladda dalka, xubno ka mid golaha deegaanka Gabiley, siyaasiyiin caan ah, aqoon yahano, iyo marti sharaf kale.

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo xaflada caleemo saarka jiifka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in cuqaasha iyo madax dhaqameedku ay yihiin hawl-balaha nabad geliyadda.

DAAWO: Hadaljedintii Badhasaabka Gabiley ee Caleemo saarka Chief Caaqilka Cusub:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here