Badhasaabka Gabiley Oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah

0
694

Gabiley(HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta si rasmi ah xarunta gobolkaas uga daah-furay imtixaanka shahaadiga.
Iyadoo ay guud ahaanba Somaliland maanta imtixaanka u fadhiisteen ugana furmay imtixaanka shahaadiga ah ee fasaladda 4aad ee sare, iyo 8aad ee hoose dhexe.
Waxaana guud ahaanba gobolka Gabiley maanta imtixaanka u fadhiistay 2300 Arday oo   iskugu jira dugsiyada sare oyo Dugsiyada hoose Dhexe.
Badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ardayda imtixaanka u fadhiisatay u rejeeyay guul, iyo in ay natiijo fiican keenaan.

Hargeisa Press.ckm/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here