Badbaado Waa U Danayn Dal iyo Shacab

0
1031
Badbaado waa u Danayn Dal iyo Shacab

Jawiga siyaasadeed ee dalku waa mid aad uga duwan xaaladihii lagu arki jiray xamaasada iyo xumada ka horeysa qabashada doorashooyinka.

Xukuumadda, Mucaaridka iyo xisbigada talada haya waxay ka midaysan yihiin in doorashada la qabto- haddii Alle idmo bisha November 13-keeda. Mawqifkan midaysani waxaan filayaa inuu masraxa siyaasadeed ka saari doono muddo xilleedyadii la kordhin jiray, in kastoo sababo kala duwan oo suuro gal loo cuskan jiray.

Madaxwayne Muuse Biixi  waxa uu sheegay inaanu awood u lahayn muddo kordhin, diyaarna u yahay qabashada doorashada xiligeeda, haddaanu mucaaridku carqaladayn. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali wuxuu isna sheegay in madaxwaynuhu aanu diyaar u ahayn qabasho doorasho wakhtigeeda dhacda balse afgobaadsi ka tahay.

Labada dhinac  waxay doonayaan in doorasho la qabto balse aan daymo u yeelanno xaalada ku gedaaman jawiga siyaasiga ah ee xilligan

  • Doorashadu waxay muddaysan tahay in la qabto xilli asxaabta mucaaridku ay aqlabiyad ku lee yihiin golayaasha degaannada magaalooyinka waawayn iyo golaha Wakiiladaba.
  • Golaha Wakiiladu waxa uu ansixiyey guddigii diwaangalinta ururada  waxaana horyaalla  xubnaha loo magacaabay guddiga doorashooyinka Qaranka inuu ansixiyo.
  • Ururada siyaasiga furitaankoodii waa lagu dhawaaqay, waxaana la sheegay in la qaban karo illaa bisha siddeedaad.

Waa Illaahay mahaddii in muxaafid iyo mucaarid labaduba doonayaan in doorashadu xilligeedii dhacdo, shakina igagama jiro in jawigan siyaasadeed ee cakiran xal loo heli doono mid dhaqan ama go’aan shacbi ba. Waxaa se is waydiin leh.

Haddii xal la waayo laba sanno oo madaxwaynaha loo kordhiyo, maxaa dan ah mucaaridka ugu jirta? Muxuu mucaaridku uga faa’idaysan laa yahay aqlabiyada gobollada golayaashooda ku lee yihiin?

Ma dano gaar ah oo qarsoon aya masra siyaasadeed ka jirta oo loo baahan yahay indheer garatadu inay dadka u cadayso? Mucaaridku ma kalsooni ayaanu ku qabin taageerayaashiisa?

Waxaan lee yahay  badbaado waxay ku jirtaa u danaynta dalka iyo shacbiga, waxaana lagu gaadhi karaa heshiis ama go’aan sharci oo la dadajiyo.

W/Q: Weriye Xuseen Cali Nuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here