Baashe Iyo Talyanle Oo Si Adag Ugu Loolamaya Buuxinta Kursiga Cirro Baneeyay

0
1656
Md. Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle)

Hargeysa,(HargeisaPress) — Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa la filayaa inay Axadda beri doortaan guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada oo laga dhex dooran doono xildhibaanada golaha wakiilada, ka dib markii uu kursigaas baneeyay guddoomiyihii hore Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Laba xildhibaan oo kala ah guddoomiye-xigeenka 1aad Md. Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) ayaa ku loolamaya kursigan. Guddoomiye Baashe ayaa la filayaa inuu is casilo si uu tartanka uga qayb galo.

Fadhiga Axadda beri ayaa sidoo kale la filayaa inay xildhibaanadu ku doortaan kursiga guddoomiye-xigeenka 1aad ee golaha wakiilada oo ay  xildhibaano ka soo jeeda gobalka Awdal ku loolamayaan.

Loolanka u dhexeeya Baashe iyo Talyanle ayaa ah mid xamaasad badan, waxaana magaalada Hargeysa saddexdii caano maal ee u dambeeyay laga dareemayay shirar doceedyo kala duwan oo ay labadan xildhibaan ku raadinayaan kalsoonida xildhibaanada golaha wakiilada.

Madaxtooyada Somaliland ayaa xushay 10 xildhibaan oo la shaqayn doona guddoomiye Baashe si uu ugu guulaysto kursigaas uu saaxiibkii Cirro baneeyay, halka uu xildhibaan Talyanle isna taageero ka helayo xisbiga Waddani oo uu horkacayo guddoomiyihii kursiga baneeyay Cabdiraxmaan-Cirro.

Si kastaba ha ahaate, Axadda ayaa la arki doonaa in Baashe ku ruqaansado kursigaas guddoomiyaha iyo inuu Talyanle ku fadhiisto kursiga oo uu noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here