Baarlamanka Soomaaliya oo Mudo Kordhin U Sameeyay Xukuumadda Farmaajo

0
787
Baarlamanka Soomaaliya
Baarlamanka Soomaaliya

Muqdisho (Hargeisa Press) – Baarlamanka Soomaaliya ayaa fadhi ay goor dhawayd yeesheen waxaa ay muddo laba sano ah u kordhiyeen xukuumadda uu hogaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Mudo Kordhintan baarlamanka Soomaaliya u sameeyay xukuumadda Farmaajo ayaa la sheegay inay hab gacan taag ah ugu codeeyeen illaa 149 xildhibaan oo ka qeyb-galay kulankii maanta, kuwaas oo ka dooday sharci gaar ah oo jihaynaya doorashooyinka heer Federaal.

Sharciga la sheegay inuu ansixiyay Golaha Shacabka Soomaaliya, wuxuu ka kooban yahay illaa sagaal qodob oo qeexayo sida loo hirgelinayo doorashada. Guddoonka ayaa ku dooday in sharcigan uu waafaqsan yahay qodobka 47-aad ee Dastuurka Soomaaliya oo siinaya golaha Shacabka soo saaridda shuruuc gaar ah oo khuseeya nidaamka doorashooyinka iyo xasbiyada ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Baarlamanka Soomaaliya ayaa soo saaridda sharcigan u cuksaday qodobada 64 (1), 72 (1) ee faraya doorasho qof iyo cod ah oo ah, mid toos ah iyo mid qarsoodi ah.

Qodobada 5-aad iyo 8-aad ee sharcigan ayaa si toos ah muddo kordhin u siinaya hay’addaha dowladda Soomaaliya ee hadda jira.

Qodobka 5-aad u qoran sidan: “Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyiska qaranka waxaa awood loo siiyey qabashada doorasho toos ah, qarsoodi ah oo madax banaan, muddo aan ka badneyn laba sano oo ka billaabata marka madaxweynaha uu saxeexo sharcigan.”

Qodobka 8-aad ayaa ah kan sida gaarka ah u shaacinaya muddo kordhinta, wuxuuna u qoran yahay sidan: :”Hay’adaha dastuuriga ah ee heer federal oo awooddoodu u dhameystiran tahay waxay waajibaadkooda u gudanayaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda Soomaaliya muddada ku xusan [Laba sano] qodobka 5-aad ee sharcigan.”

Guddoonka ayaa faray Xukuumadda xil gaadhsiinta ah inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka  uga dambeyso arrimaha la xidhiidha doorashooyinka heer federal isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda Dastuuriga ah sida uu hadalka u dhigay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Sharcigan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyey uu taagnaa shaki ku aadan in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo saari doono nidaam doorasho oo ka duwan midii ay isku fahmi waayeen maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Dowladda Dhexe.

LEAVE A REPLY