Baarlamaanka UK Oo Beri Dood Ka Yeelanaya Aqoonsiga Somaliland

0
341

London (HP): Baarlamaanka boqortooyadda Ingiriiska ayaa la filayaa in ay 18-ka bishan Dood ka yeelan doonaan Aqoonsiga Somaliland.
Xildhibaan Gavin Williamson, oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka UK ayaa dooddan la xidhiidha Aqoonsiga Somaliland ka horjeedin doona Baarlamaanka dalkaasi.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2017-11-02 11:30:53Z | http://piczard.com | http://codecarvings.comÿN0ÿ

Sida ay xajiiyeen warar arrintaasi la xidhiidha oo aanu helnay, oo ay dad u dhuun daloolaa noo cadeeyeen.
Gavin Williamson, ayaa hore u soo noqday wasiirka Difaaca dalka UK, isagoo wakhtigii uu wasiirka ahaa mar socdaal ku yimid Somaliland.
Geesta kale wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo arrintaasi ka hadashay ayaa soo dhaweysay arrinta doodaasi.
Waxaanay sheegtay in ay la socoto doodda ku saabsan qadiyadda Somaliland ee Baarlamaanka UK ka dhici doonta.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY