Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Xarun Ka Furanaya Tog-wajaale

0
972

Tog-Wajaale (Hargeisa Press.com):  Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa shaaciyay in Laan uu baanka dhexe ku yeelan doono magaaladda Tog-wajaale.

Waxaanu sheegay in kadib qiimayn ay hore u sameeyeen ay ku ogaadeen in baahi weyn loo qabo sidii baanka dhexe ee Somaliland laan ugu yeelan lahaa Wajaale.

Isagoo xusay in dhawaan ay bilaabi doonaan sidii looga shaqaysiin lahaa, bulshadana ugu qaban lahayd adeegii ay uga baahnaayeen baanka dhexe.

Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), waxa uu sidan ka sheegay booqasho uu maanta ku tegay magaallo ganacsiyeedka Tog-Wajaale, iyadoo safarkaasi ay ku wehelinayeen badhasaabka Gabiley, maayarka Gabiley iyo guddoomiyaha Wajaale.

Gudoomiye  Cali Baqdaadi, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xagga Baanka daraasadd hore aanu ugu samaynay ayaa nagu dhiirigelisay in aanu halkan (Wajaale) ka furano,  laan uu baanku yeelanayo.

Waxaan soo maray dhanka daanta Itoobiya  ee Wajaale, 14 baan ayaa ka furan. Halka-na laba baan ayaa ka furan, hawsha ay hayeen baanankaasi Itoobiyaanka ahina waad arkayseen.

Markaa xarunta aanu halkan (Wajaale) ka furi doono,  waanu dejinay nashqadiisii,  waanan bilaabi doonaa dhismaheeda dhawaan insha ALLAAH”.

Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac), oo isna dhankiisa halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in baanka dhexe uu xarun ku yeesho Wajaale.

Maadaama oo gobolka Gabiley gobolka labaad ee isha dhaqaalaha wadanka. “Dhab ahaantii gobolka Gabiley waxa uu ka mid yahay goobaha illaha dhaqaale ay wadanka ka soo gallaan iyo inuu yahay gobolkii ku astaysnaa wax-soo-saarka.

Dhaqaaluhu-na waa waxa  aynu dalkeena iyo dadkeenaba aynu ku dhisayno”ayuu yidhi badhasaabka Gabiley.

Sidoo kale gudoomiyaha Tog-wajaale   Xaashi Maxamuud Cabdi,  ayaa sheegay in Wajaale ay muddo faro badan  baahi weyn u qabeen in baanka dhexe xarun ku yeesho Wajaale, maadaama oo magaaladaasi ay ku taallo xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Somaliland.

Waxaanu yidhi  “Aad baanu kuugu mahad naqaynaa guddoomiye,  booqashadani aad maanta (shalay)  aad noogu timid degmadda Tog-wajaale.

Adigoo u socda sidii aad uga midha dhalin lahaydeen baankii degmadda Wajaale loo dhisayay.  iyadda oo aanu muddo faro badan,  aanu arrintan sugaynay.

Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay maanta  in aad halkan (Wajaale)  nagu soo booqato, oo ilaa daanta Itoobiya iyo waxa baan ka furan-ba aad soo taabatay”.

Geesta kale maayarka Gabiley oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay dhaqaalaha qaranka u yeelan doonto  marka la la furro laanta uu baanka dhexe ku yaalanayo Wajaale.

Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi, ayaa guddoomiyaha baanka dhexe uga mahad celiyay booqashadda uu  ku yimid Wajaale.

“Maanta waxaanu halkan (Wajaale)  ku soo dhawaynaynaa  guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, oo kormeer uu ugu kuurgellayo sidii baanka dhexe xarun ugu yeelan lahaa Wajaale iyo  xaaladda  dhaqaale iyo sida ay u wadaan hawlaha ay qaranka u hayaan ee degmadda Gabiley, noogu yimid”ayuu yidhi maayarka Gabiley.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi  “Waayo?  Magaaladda Tog-wajaale,  waa magaalo ganacsiyeedkii jamhuuriyadda Somaliland. Taasoo ay mihiim tahay in baanka dhexe uu ku yeesho laan.

Aad iyo aad ayaanu kaaga mahad celinaynaa guddomiye, iyadoo dhab ahaantii aad u socotid farsamo ahaan sidii hawshaasi loo dhaqaajin lahaa”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here