Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Fariin U Diray Sarifleyaasha Lacagaha

0
587

Hargaysa (Hargeisa Press): Baanka dhexe ee somaliland ayaa ku wargeliyay dhamaanba sarifleyaasha kala duwan ee  ka hawl galla dalka in ay muddo laba todobaad ah liisamadoodda ku cusboonaysiistaan.

War-saxaafadeed ka  soo baxay guddoomiyaha baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu wargeliyay sarifleyaasha ee uu ka dhacay liisanka isku-bedelka lacagaha in ay cusboonaysiistaan.

Iyadoo loo qabtay in ay ka bilaabmayso mudadda cusboonaysiintu maanta oo ay bishu tahay 17-ka bishan October taasoo soconaysa ilaa 31-ka bishan October ee sanadkan 2021-ka.

Waxaana wargelintaasi lagu yidhi, “Waxa uu baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland ku wargelinayaa dhamaanba sarifleyaasha dalka ka hawl galla, ee uu ka dhacay liisanka isku-bedelka lacagaha in ay ku cusboonaysiiyaan liisankoodda muddo laba todobaad ah, oo ka bilaabanaysa 17-ka bishan October ilaa 31-ka bishan October, ee sanadkan 2021-ka”.

War gelintaasi ku saabsan in ay sarifleyaashu liisamadoodd cusboonaysiistaan oo maanta soo baxday waxaa  ku saxeexnaa guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali C/laahi Daahir.

Geesta kale waxaa war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in sarifleyasha mudadda loo qabtay ku cusboonaysiisan waaya liisamadoodda in Baanka dhexe ee Somaliland uu ka hakin doono dhamaanba addeegyadda isku-bedelka lacagaha.

“Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hakin doonaa, addeegga dhamaan isku-bedelka ee dhamaanba sarifleyaasha aan cusboonaysiisan liiska lacagaha, mudadda kor ku xusan” ayaa lagu yidhi wargelintaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY