Ayax Dhibaato Ku Haya Degaamo Ka Tirsan Somaliland

0
1308

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Ayax fara badan oo la sheegay in uu dhibaato ku hayo degaamo ka tirsan goboladda Somaliland.

Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in Ayaxu uu dalka yimid 21-kii bishii July ee sanadkan, isla markaana uu ka yimid dhinaca dalka Yemen.

Axmed Muumin Seed, waxa kaloo uu sheegay in sidii Ayaxa dhibaatadiisa wax looga qaban lahaa ay kala xidhiidheen qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya la dagaalanka Ayaxa.

Sidoo kale wasiir Seed, waxa uu xusay in sababta ay mudadda intaa le’eg wax uga qaban waayeen Ayaxa ay tahay, iyagoo ka eegay dhinaca dhibaato ka iman karta haddii Buufin loo isticmaalo.

Degaamadda uu hadda Ayaxu ugu badan yahay ayuu wasiirku ku sheegay in ay ka mid yihiin goboladda Saaxil, Selel iyo meello ka mida Sanaag.

Halkan Ka Daawo Wasiir Seed Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Pres.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY