Axmed Muumin Seed oo Shaaciyey Sababaha uu ku Doortay inuu Dhiso Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE

0
1993
Md. Axmed Muumin Seed oo haatan ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE

Boorama ,(HargeisaPress) — Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee hore ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo haatan ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey sababaha uu u doortay inuu dhiso murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE, ahna Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ee uu uga doortay saaxiibkiisii hore ee murrashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.

Axmed Muumin Seed oo maanta ka hadlayey madal uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey saraakiishii xisbiga WADDANI ugu sarraysay gobolka Awdal, waxa uu sheegay inuu ku arkay Muuse Biixi dhammaan astaamaha uu leeyahay hoggaamiye, sidaasi darteedna uu ku doortay inuu ku raaco, “Calaamadaha aan Muuse Biixi ku doortay waxa ka mid ah Muuse maaha beenaale, waana nin hadallo cad oo marka uu halkaas soo socdo waxaad garanaysaa inuu amba ku dilayo amba ku noolaynayo, waana nin go’aan qaadan kara oo aan mus-dambeed lahayn, musdambeedkiisuna waa aqoonta, wuuna leeyahay dhammaan calaamooyinkii hoggaaminta,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Waxa kaloo uu ka hadlay waxa keenay in aannu xil ka qaadan xisbiga KULMIYE kadib markii uu soo galay, waxaannu sheegay inuu ixtiraamka iyo qaddarinta ugu hayo xeerarka iyo shuruucda dalka, isaga oo tallaabo sharciga baal marsan ku sifeeyey xilka hoggaamiyenimo ee uu xisbiga WADDANI u cumaamaday wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Axmed Muumin Seed waxa uu iftiimiyey in waqtigii uu hoggaanka WADDANI ka tirsanaa ay Ex. Wasiir Xirsi u dhiibeen xil uu ku tilmaamay mid waraabe u-taag ah oo aan xeerarka ku jirin, waxaannu yidhi, “Annagu markii aanu WADDANI ahayn golihii wasiirrada ee Dawladda ka yaacay maalintii ay nagu soo biirayeen, Xirsi waxanu siinay waraabe-u-taag oo waxanu ku nidhi Hoggaamiye ayaad tahay, laakiin Hoggaamiyuhu meel uu sharciga xisbiyada kaga jiraa ma jirto.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu jawaab ka bixiyey su’aalo dadku iska weydiiyaan dheefta laga siiyey xisbiga uu kamidka yahay ee KULMIYE, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hammigiisu yahay sidii uu murrashax Muuse Biixi Cabdi u dhisi lahaa, isla markaana aanu marnaba diyaar u ahayn inuu damaciisa ku xidho wax aan xeerarka dalka ku jirin, “Aniguna ilaa maalintii aan xisbiga KULMIYE ku biiray dadku waxa ay isweydiinayaan guddoomiye-ku-xigeenkii baad tahay oo musharrax madaxweyne-ku-xigeen baad u socotaye KULMIYE muxuu ku siinayaa, balse waxan go’aan ku gaadhay inaanan qaadanin kursi aan ku qornayn distoorka Somaliland ama shuruuc hoosaadka xisbiyada ku qornayn oo aanan Somaliland sharci-darro u horseedin, waxana aan go’aansaday inaan masiirkaygii, taageerayaashaydii, awooddaydii dhaqaale iyo tii karitiyeed ee ilaahay i siiyeyba ku dhiso Muuse Biixi Cabdi aniga oo aan wax shuruud ah ku xidhaynin, waayo waxa aad u muhiim ah inaynu  shuruucda dalka oo aynu ta xisbiyada dhawrno, haddii uu maanta Muuse Biixi ii magacaabo Hoggaamiye meel uu shuruucda kaga qoran yahayna ma jirto waana waraabe u taag uun markaa intaan waraabe-u-taag noqon lahaa waxan door biday inaan Muuse dhiso oo aan abaalkayga dib u dhigto,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY