Axmed Cabdi Waraabe Oo Loo Dhaariyay Kurisigii Aabihii Ee Golaha Guurtidda

0
948

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Axmed Xaaji C/kariin, oo uu dhalay  xaaji Cabdi Waraabe oo dhawaan geeriyooday ayaa maanta loo dhaariyay in uu buuxiyo booskii uu baneeyay aabihii ee xubin-nimadda golaha Guurtidda Somaliland.

Waxaana xildhibaanka cusub xarunta golaha Guurtidda ku dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo halkaas  hadal kooban ka jeediyay dhaarinta kadib, ayaa xildhibaan Axmed Cabdi Waraabe, kula dar-daarmay in uu buuxiyo booskii aabihii oo ahaa tiir calaamad u ah nabadda.

“Xaajigu, calaamad nabadda u taagan buu ahaa, AHUN. Markaa adiga-na waxaan kuu rejaynaynaa in aad waddadiisii raacdo. Shaqo balaadhan ayaa kuu taalla, oo kursigii xaajigu ka geeriyooday ayaad buuxinaysaa.

Waanan kuu ducaynaynaa, waxaanan rejaynaynaa in shaqadaa ALLE SWT kuu fududeeyo, oo uu kugu garab gallo”ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda sare.

Qaar ka mid ahaa xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda oo munaasibadda dhaarinta joogay ayaa xildhibaanka cusub u jeediyay hadallo guubaabo ahaa oo ay kula dar-daarmayeen in uu noqdo mid buuxiya booskii aabihii lagu yaqaanay ee nabadda.

Xildhibaan Muxumed Aw Axmed, oo ka mid ahaa mudaneyaashii halkaas ka hadlay  ayaa tilmaamay in ALLE ha u naxariistee Xaaji Cabdi Waraabe, uu ka mid ahaa xildhibaanadii rug cadaaga ahaa ee shirkii 1993-kii lagu soo doortay Boorama.

Waxaanu yidhi “Xaajigu AHUN, horseedkayagii ayuu ahaa. Isaga iyo sheekh Ibraahim sheekh Yuusuf Madar. Labadoodaba ALLE ha u naxariisto.  75 ayaanu ahayn berigii Boorama lanagu soo doortay ee 1993-kii. Toban keliya ayaa imika ka nool”.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Axmed uu bedelayo aabihii oo nin u dhigmo aanu joogin Somaliland.

“Axmed, waxa uu nin bedelaya nin culus oo boqor ahaa, oo nin gaadhi karaya aanan Somaliland laga soo helaynin. Axmed waxaan leeyahay ILLAAHAY ha kuu fududeeyo xilkaasi, oo xil weyn ah” ayuu yidhi xildhibaan Dheeg.

Geesta kale tan iyo wixii ka danbeeyay markii xildhibaanadda golaha Guurtidda Somaliland lagu soo doortay shirkii beelaha ee Boorama sanadkii 1997-kii, ayaa waxa xubin kasta oo dhimato kursigiisa soo buuxiya wiil uu dhalay.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY