Awdal: Wasiirka Ganacsiga oo Kormeeray Goobaha Diiwaan-gelintu Ka Socoto

0
342

Boorama (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Ganacaiga iyo Wershadaha Somaliland iyo masuuliyiin kale ayaa maanta soo kormeerqy qaar ka mida goobaha ay diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ka socoto ee gobolka Awdal.

Kormeerkaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), xubin ka tirsan komishanka doorashooyinka qaranka JSL.

Sidoo kale, waxaa kormeerka qayb ka ahaa Idiris Aadan Raage, safiir ku-xigeenka Somaliland ee dalka Yemen, iyo isku-duwaha wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee gobolka Awdal.

Waxaana ka mid ahaa goobihii weftiga wasiirka Ganacsigu ay soo kormeereen deegaanka Magaallo-Cad, oo ka tirsan gobolka Awdal. Halkaasoo ay si xawli ah uga socotay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, taas oo weli guud ahaanba ka socota goboladda dalka.

Markii masuuliyiintu ay gaadheen deegaanka Magaallo-Cad, waxay halkaa kula kulmeen iyadoo ay shaqadda diiwaan-gelintu si wanaagsan 7ga socotay.

Iyadoo wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha JSL Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), iyo masuuliyiinta la socday ba ay si weyn ugu mabsuudeen sida quruxda badan ee nidaamka iyo kala danbayntu ku dheehnayd ee ay dadweynuhu isku diiwaan gelinayeen.

Goobtaasi ay kaadhadhka codbixinta ka qaadanayeen dadweyne aad u tiro badnaa, kuwaasoo safaf ugu jiray sidii ay isku diiwaan gelin lahaayeen.

Masuuliyiinta deegaanka Magaallo-Cad, iyo odayaasha deegaankaasi oo weftiga halkaas warbixin ku siiyay ayaa komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ka codsaday in wakhti dheeraad ah loogu darro mudadda ay soconayso diiwaan-gelintu, isla markaana goobaha loo kordhiyo, maadaama oo ay tiradda dadka is-diiwaan-gelinayaa aad u badan tahay.

Badhasaabka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), oo codsiga guddoomiyaha deegaanka Magaallo-Cad tix-raacayay ayaa isna ku booriyay komishanka doorashooyinka mudadda shanta maalmood ah ee ka hadhsan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha in goobaha loo soo kordhiyo.

Maadaama oo dadweynaha is diiwaan gelinayaa ay aad u tiro badan yihiin, isla markaana wakhtiga uu aad u kooban yahay wakhtiga ay diiwaan gelintu soconayso.

Isagoona dadweynaha deegaankaasi ku amaanay sida quruxda badan ee nidaamka ah ee ay kaadhadhka u qaadaanayaan.

Geesta kale af-hayeenka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ahna xubin ka mida 7 xubnood ee komishanka oo kormeerka qayb ka ahaa oo ka jawaabayay codsiga waxgaradka, iyo odayaasha deegaanka Magaallo-Cad, ayaa balan qaaday in ay ka soo jawaabi doonaan codsigaasi.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), oo isna halkaa ka hadlay ayaa bulshadda deegaanka Magaalo-Cad ku amaanay sida quruxda badan ee ay isku diiwaan gelinayaan.

Waxaanu sheegay wasiirku in guud ahaanba gobolka Awdal ay diiwaan gelintu si wanaagsan uga socoto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here