Wasiirka Beeraha Oo Kormeeray Mashaariic Wasaaraddu Ka Hirgelisay Degmada Baki

0
448

Boorama (HP) : Wefti ballaadhan oo u hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland  Axmed Muumin Seed, ayaa ayaa gaadhay deeganada baki iyo Ruqi oo hoos yimaadda gobalka Awdal.

Wasiirka oo ay ku weheliyaan isuduwaha Wasaaaradda beeraha ee gobalka Awdal iyo Madaxa Waaxda Beeraha ee Hay’adda FAO, Maayirka degmada baki iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda beeraha iyo hay’adda FOA.

Weftigan ayaa waxay kormeer kala duwan ku soo mareen Kanaallada ay hirgaliyeen Wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’adda ay wada shaqaynta leeyihiin, taasi oo la dhagax dhigay 2019-kii, waxaana laga hirgaliyey deeganka ruqi.

Sidoo kale, waxay kormeereen Beeraha wax soo saarka ee ku yaalla deeganada baki iyo Ruqi ee Gobolka Awdal.

Ujeeddada kormeerka weftigan ayaa ku salaysnaa sidii loo caawin lahaa amba loo dhiiri galin lahaa wax soo saarka beeraha iyo in laga caawiyo sidii loogu xidhi lahaa biyaha dooxoyinka iyo waddada isku xidha Baki iyo Boorama.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here