Askartii Hore U Gashay Madaxtooyada Itoobiya oo Ka Qayb Qaadatay Afgambigii Dhicisoobay

0
678

Addis Ababa (HargeisaPress) – Qaar ka mid ah askartii gashay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya bishii Oktoobar ee sannadkii 2018 ayaa qayb ka ahaa afgambigii dhicisoobay ee lagu qaaday gobolka Amxaarada, sida uu sheegay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

Isaga oo la hadlaya aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayuu Abiy xaqiijiyay in shantii qof ee lagu dilay gobolka Amxaarada ee masuuliyiinta iyo milatariga isugu jiray iyo dilkii Addis Ababa ee bishii Jun lagaga gol lahaa in xilka looga tuuro maamul goboleedka Amxaarada.

“Iskuday kaste oo lagu doonayo in awoodda lagu maroorsado iyadoo qori caaraddii la adeegsanyo isla markaasna aan loo marayn doorasho wuxuu Itoobiya dib u celin boqolollaal sano,” ayuu yidhi.

Marka laga soo tago dilkaas, Abiy intii uu khudbadda waday waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda ammaanka ee ka sii daraysa, muwaadiniinta barakacaya iyo qorshaha Itoobiya ay ku xoraynayso shirkadaha muhiimka ah ee dawladdu gacanta ku hayso.

Isgaadhsiinta iyo warshadaha sonkorta ayaa noqon doona kuwa ugu horreeya ee albaabada loo furi doono, si shaqsiyaad ama shirkaddo gaar loo leeyahay ay u maalgashadaan, sida uu Ra’iisal wasaruhu sheegay.

Wuxuu sidoo kale diiday in qasab loogu celiyay guryahooda qaar ka mid ah labada milyan ee ruux ee gudaha Itoobiya ku qaxay.

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY