Askarigii Dilay Najma Cabdillaahi oo Dil Toogasho Lagu Xukumay

0
1522

Hargeysa (Hargeisa Press) – Maxkamadda Ciidanka Milateriga Somaliland, ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa ciidamada milateriga Somaliland, kaas oo saddexdii bishan May toogasho ku dilay marxuumad Najma Cabdillaahi Maykal.

Maxkamadda milateriga Somaliland oo soo soo saartay xukunka, ayaa sheegtay in Saalax oo isla-markiiba gacanta lagu dhigay falka kadib lagu helay dambiga lagu soo oogay, waxayna ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaas marxuumada oo ahay gabadh dhalinyaro ah.

Goobta maxkamadeynat ee sarkaalkan iyo xukunka soo baxay waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kala duwan.

Alle ha u naxariistee Najma Cabdillaahi Maykal oo wadatay xilliga la dilayay gaadhi ay lahayd, ayaa iyadoo maraysa agagaarka maxkamadaha waxaa rasaas ku furay sarkaalkan oo isku dayay inuu baxsado.

Marxuumadda, ayaa sidoo kale ka mid ahayd shaqaalaha wasaaradda beeraha ee Somaliland, waxaana dilkeeda si weyn uga falceliyay ehelladeeda iyo dadka shacabka ah.

Najma Cabdillaahi, ayaa waxaa la sheegay in xilliga la dilayay ay isku qaban qaabinaysay xafladda arooskeeda, sida ay sheegeen waalidiinteedu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here