Askari Mareykan Ah Oo Lagu Dilay Soomaaliya

0
1128
U.S. military member killed in Somalia

Mogadishu , (HargeisaPress) —Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamadooda khaaska ah lagu dilay gudaha Soomaaliya, labo kalena lagu dhaawacay xilli uu socday hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Warbixin laga soo saaray taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askarigani uu ku dhintay meel qiyaastii 60 KM dhanka galbeed ka xiga magaaladda Muqdisho.

Warbixintu waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawinayeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo hawlgal fulinayay.

Bishii la soo dhaafay ayaa tiro ciidamo ah oo Mareykan ah waxaa la geeyay gudaha Soomaaliya si ay u tababaraan isla markaana u qalabeeyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika.

Inkastoo ciidamo yar oo ka tirsan kuwa la dagaalanka argagixisada ee Mareykanka ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya, haddana Ciidamadan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo Soomaaliya la geeyo tan iyo sanadkii 1994.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here