“Arrinta ciidamadu waxay ka markhaati kacaysaa inuu dalku Mugdi ku jiro”…

0
1135

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID ayaa sheegay in nidaamka dawladnimadda ee Somaliland uu haatan mugdi ku jiro oo aanay jirin meel keliya oo sidii la rabay u shaqaynaysa.

Faysal Cali Waraabe, ayaa si gaara farta ugu fiiqay dhibaatooyin uu tilmaamay in ay soo waajaheen ciidamadda qaranka Somaliland ee jiidaha hore difaaca kaga jira.

Waxaanu sheegay in ciidamadda qaranku ay ahaayeen haayadda keliya ee dawladeed ee inoo fayow, balse ay maalmahan danbe soo baxayaan tabashooyin ay qabaan iyo dayac ay sheeganayaan.

Eng. Faysal, waxa uu sidoo kale dhaliilay xukuumadda madxweyne Biixi oo uu ku tilmaamay in haayadaha dawliga ah aanay sidii la rabay u shaqaynin.

 

Hargeisa Pressc.om/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY