Arrimo Kaa Caawin Kara In Aad Dakhligaaga Kor U Qaaddo, Si Aad U Daboosho Kharashka Sii Kordhaya (1)

0
662

Nolosha Casriga ah ee adduunyadan aynu ku noolnahay waa ay abuurtay duruufo nololeed oo mar kasta aanay is daboolayn dakhliga qofka soo gala iyo kharashaadka uu u baahan yahay in uu isticmaalo. Dadka badankooduna waxa ay ku jiraan kifaax iyo halgan ay ku raadinayaan sidii ay u heli lahaayeen ilo dakhli oo ku sii kordha kuwa ay hadba haystaan.

Maqaal ay haweenayda qoraaga ah ee Ally Semniego ku qortay majaladda Clara ee afka Spanish ka ku baxda ayaa ay ka warrantay talooyin ay la tahay in ay noqon karaan ilo labaad oo uu qofku ka helo dakhli u kaba intiisa rasmiga ah.

Ally Semniego waxa ay qoraalkeeda ku tidhi, dad badan ayaa is weydiinaya in ay suurtagal tahay in qofku uu lacag xoogsado isaga oo gurigiisa jooga ama hawlihiisa kale ee rasmiga ah wata, jawaabta aan dadkaas anigu u hayaa waa ‘Haa’ waa aad soo saari kartaan dakhli labaad.

Ally waxa ay sheegtay in qof kastaa uu soo saari karo dakhligaas, laakiin ay tahay marka uu noqdo qofka leh tilmaamo ay ka mid tahay; ruux hindise, is nidaamin, xil kastnimo, iyo in uu leeyahay karti uu kaga gudbi karo caqabadaha ka sokeeya dakhliga uu raadinayo gaadhistiisa.

‘Dadka lacagta shaqaysta iyaga oo guryahooda joogaa, inta badan waa dad leh maskx ganacsade, oo mar kasta raadinaysa fursado ay ku heli karto faa’iido lacageed. Qof dhiirran oo khatarta u badheedhi kara, qof leh karti uu naftiisa ku kulmin karo ku raaxaysi iyo shaqo wada jira, iyaga oo firfircooni ku hawlgelaya, hal-abuur la imanaya, isla markaana jecel shaqada ay qabanaayn.

Qoraa Ally Semniego waxa ay qoraalkeedan ku soo bandhgitay habab ay u aragto in ay yihiin kuwa ugu habboon ee uu qofku isaga oo gurigiisa jooga lacag ku shaqaysan karo:

Samayso gole internet ka ah

Teknoolajiyadu waxa ay ka mid tahay hababka ugu badan ee casrigan dhaqaale laga sameeyo. Qoraaga Ally Semniego waxa ay ku talinasaa in samaysashada gole shabakadda internet ka ahi ay ka mid tahay hababkaas dhaqaalaha lagu samayn karo.

Inkasta oo uu isticmaalka baraha bulshadu si xawli ah u kordhayo, haddana waxaa weli jiray habab uu qofku dhaqaale kaga samayn karo bogagga internet ka ee loo yaqaanno ‘Forum’ ka. Waxa se ay u baahan tahay fikir badan in la geliyo iyo in qofku dadaal ku bixiyo sidii uu golihiisa ‘Forum’ ugu qori lahaa macluumaad iyo qormooyin dadka xiise geliya. Marka uu boggu noqdo mid bulsho badani ku xidhan tahay waxaa si sahal ah loo suurtagelin karaa in lagu xidho xayeysiisyada suuqgeynta ee ganacsatadu samaysanayo, waxa kale oo laga dhigi karaa madal leh qayb loo adeegsado iibka.

Tirokoobyo lagu sameeyey lacagta laga faa’iido teknoolajiyada ayaa muujiyey in dhaqaale fiican laga samayn karo xayeysiisyada ay dadku ku baahiyaan bogagga ay ku leeyihiin internet ka ee ‘Websites’ ka iyo madalaha ‘Forums’ ka loo yaqaanno.

Waxa keliya ee ay u baahan tahay waa in qofku uu hal abuur la yimaaddo, in uu helo kombiyuutar iyo internet iyo in uu bilowga helo farsamo qurux badan oo uu cid xeeldheere ahi u dhigto dhismaha shabakadda ama golaha uu doonayo in uu ku baahiyo xogta.

Geeska

LEAVE A REPLY