Ardaydii Wax Ka Baranayay Jaamacadaha Itoobiya Oo Soo Gaadhay Tog-Wajaale

0
707

Tog-Wajaale (HP): Arday reer Somaliland ah oo wax ka baranayay jaamacadaha dalka Itoobiya oo ka soo laabtay ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Tog-Wajaale.

Kadib markii dawladda Itoobiya shaacisay in ay wadamadoodii dib ugu noqdaan ardayda aan dalkaas u dhalan ee wax ka barta jaamacadahoodda, dhibaatadda xanuunka Corona Virus awgeed.

Ardaydan oo tiradoodda lagu sheegay 151 arday  ayaa noqonaya kooxdii u horaysay ee ka soo laabta Itoobiya. Kuwaasoo ah ardaydii deeqaha waxbarasho ka helay dalka Itoobiya.

Waxaana ardaydaasi hor kacayay masuuliyiin ka socday safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiya.

Ardaydaasi markii ay soo gaadheen magaallo-xuduudeedka Tog-Wajaale soo dhaweeyay  badhasaabka badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, taliyaha laanta socdaalka gobolka Wajaale.

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Gabiley, agaasimaha cusbitaalka Wajaale, iyo maamulka degmadda Tog-Wajaale.

Ardaydan ayaa dhamaantoodba caafimaadkooda laga baadhay xanuunka Corona Virus markii ay soo gaadheen magaaladda Wajaale ee dhicnaca Somaliland.

Iyadoo mid walba  laga qoray  macluumaadyo kala duwan sida magacyadoodda,  lanbarrada telefanadoodda, iyo meesha lagala xidhiidhi karo, si xaaladoodda caafimaad loola socdo muddo 14 maalmood ah.

Waxaana  la faray in ay muddo 14 maalmood ah guryahoodda joogaan, isla markaana aanay wax xidhiidh ah la yeelan qoysaskoodda.

Geesta kale inkastoo uu xidahn yahay xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ayaa hadana in ardaydu ay soo gudbaan waxaa ogolaaday guddiga heer qaran ee ka diyaar garawga Covid19.

Sida uu sheegay taliyaha laanta socdaalka ee Wajaale, waxaanu yidhi  “Xuduudka labadda dal wuu xidhan yahay. Laakiin, guddiga heer qaran ayaa amartay in wixii arday ah la soo daayo, oo ay soo gudbaan”.

Dhinaca kale ka sekow ardayda reer Somaliland waxaa la filayaa in ay jiri doonaan arday kale oo ka soo jeedda deegaamadda kale ee Soomaaliya iyo Puntland ay Somaliland ka soo galaan magaaladda Tog-Wajaale maalmaha soo socda.

Maadaama oo ay dawladda Itoobiya xanibtay duulimaadyadii diyaaradaha, isla markaana ardaydaasi loo gudbin doono deegaamadda ay ka soo jeedaan. Sida uu maanta sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here