Ardaydii Ugu Badnaa Oo Ka Qalin Jebiyay Jaamacadda Abaarso Tech+Sawirro

0
574

Hargaysa (Hargeisa Press): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay arday tiradoodu kor u dhaafayso 200 oo arday oo ka qalin jebiyay jaamacadda Abaarso Tech oo ka mida jaamacadaha ku yaalla caasimadda Hargaysa.

Dufcadaasi oo noqonaysa tii 8aad ayay ardaydu ka qalin jebiyeen 12-ka kulliyadood ee ay jaamacadda Abaarso Tech bixiso, kuwaasoo 7 ka mida ay yihiin heerka labaad (master) ee waxbarashadda jaamacadda, halka shanta kalena ay yihiin heerka koowaad (degree) ee waxbarashadda.

Munaasibadda qalin jebinta jaamacadda Abaarso Tech, waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadda.

Maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Abaarso Tech, waalidiinta ardayda qalin jebinaysay, aqoon yahano ka socday jaamacadda Nugaal ee Laascaanood iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxaam C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka qayb galka qalin jebinta ardayda jaamacadda Abaarso Tech.

Waxaanu tilmaamay in jaamacadda Abaarso Tech ay qiimo weyn ugu fadhido qaranka Somaliland, isla markaana guddoomiyaha jaamacadaasi Dr. Axmed Xuseen Ciise, uu dedaal badan geliyay sidii uu dalka waxyaabo badan oo horumar ah uga hirgelin lahaa.

Guddoomiyaha jaamacadda Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise, ayaa isna faahfaahin ka bixiyay kuliyadaha kala duwan ee ay ardayda jaamacadu ka qalin jabiyeen iyo sidoo kale qorsheyaasha dhaw ee ay jaamacadu tiigsanayso.

Daawo: Hadaladii Laga Jeediyay Munaasibadii Qalin Jebinta Abaarso Tech:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY