Ardayda Sannadka Ka Qalin Jabinaysa Jaamacada ADMAS Oo Bilaabay Difaacashada Buuga (Thesis Defense) + SAWIRRO

0
1350

Hargeysa, (HargeisaPress) – Jaamacada ADMAS ayaa galabta xaflad si heersare ah loo soo agaasimay ku qabatay xarunta wayn ee ay ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Xafladan ayay ujeedadeedu  ahayd furitaanka xaflada difaacashada buuga, waxaana ka soo qayb galay maamulka jaamacada Admas, ardayd dhigata kuliyadaha kala duwan ee jaamacadu bixiso iyo macalimiinta dhiga Jaamacada Admas.

Xafladan oo si quruxbadan loosoo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiinta iyo macalimiinta jaamacada iyagoo ku dheeraaday faa’iidada ay wax barashadu uleedahay dadka.

Sidoo kale waxay macalimiintu ku booriyeen ardayda qalin jabinaysa sanadkan ee maanta bilaabay difaacashada buugooda inayna halkaasi ku joojin waxbarashadooda.

Axmednasir Xasan Xaaji oo kamid ah masuuliyiinta jaamacada admas oo ka hadlay xaflada ayaa faahfaahin ka bixiyay xaflada “Waxaad halkan ujoogtaan maanta saddexdii sanno ee udambeeyay barnaamijyadaad soo barateen ee intaasi oo dhan la idin soo barayay ayaa maanta la rabaa in la idinka shubo, waxaan idinku boorinayaa inaad kalsooni badan aad muujisaan  wakhtiga yar  ee aad halkan joogtaan, waxaanan dhamaantiin idiin rajaynayaa inaad guulaysataan” ayuu yidhi Axmednasir Xasan Xaaji.

Sidoo kale masuuliyiinta ka hadlay xaflada furitaanka difaacada Buuga ayaa u hambalyeeyay arday sannadkan ka qalin jabinaysa Jaamacada ee maanta bilaabay difaacada buuga.

Dhinaca kale Jaamacada admas ayaa deeq waxbarsho siisay tobankii arday ee ugu sareeyay imtixaanaadka dugsiga sare oo shalay ay ku dhawaaqday wasaarada waxbarashada Somaliland, sida uu sheegay maamulka Jaamacadu.

Sidoo kale waxa ay jaamacada Admas bilawday qaadashada ardayda cusub ee sanadkan ka baxday dugsiyada sare ee dalka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

 

LEAVE A REPLY