Ardayda Jaamacadda Alpha Oo Lagu Tababaray Deminta Khataraha Dabka

0
347

Hargaysa (HP): Jaamacadda Alpha university faraceedda magaaladda Hargaysa ayaa ardayda wax ka barata jaamacadaasi u qabatay tababar ku saabsan maaraynta Dabka.


Tababarkaasi oo ay bixinaysay shirkadda maaraynta Dabka ee Fire Safety oo socday muddo laba maalmood ah ayaa la siiyay ardayda wax ka barta kuliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Alpha.
Waxaana ardaydaasi la barayay qaabka maaraynta iyo deminta khataraha ka dhasha Dabka.


Tababarkaasi ayaana maanta loo soo gebagabeeyay ardaydaasi, iyadoona macalimiintii khubarada ahaa ee caaharada bixinayay ay kula dar-daarmeen in aqoonta la baray ay ka faa’iidaystaan.


Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha faraceedda Hargaysa ayaana tababarkaasi  ku saabsanaa maaraynta Khatarraha u furay ardaydaasi.
Waxaana bixinayay khabiiro ay ka mid yihiin Faysal Saciid Caynab, Prof. Axmed-yasiin Sh. Cumar.
Waxa kale oo ka qayb qaadanayay shirkadda bad-baada Dabka ee Somaliland (Somaliland fire Safety) oo uu wakiil ka ahaa madaxa xidhiidhka dadwaynaha Mukhtaar Faatax.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY