Aqoonta aan u leeyahay Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax WQ: Maxamed Siciid C/laahi

0
3091
Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax

Hargeysa, (HargeisaPress) — Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) waa abwaan qiime iyo qadarin ku leh bulshada Somaliyeed oo fankiisu gaadhay meel kasta oo Somalidu degto, waa Abwaan ku dayasho mudan

Abwaan Xasan Dhuxul waa tiir-dhexaadka Fanka Somalida, gaar ahaan waa Abwaan Qaran oo ka soo jeeda Somaliland, islamarkaana sammeeyay heeso badan oo qaranimada ka turjumaya, kuwo waddani ah iyo qaar jacayl u badanba.

Inta aan ka aqaanno waa nin indheer-garad ah, waa nin mufakir ah, waa nin jecel horumarka, waxaa u dhiirigeliyaa wixii wanaagsan ee uu arko, maaha shakhsi dadka xaasida, waa dhakhtar dabiiba dadka jacaylku saameeyay oo marka qiso cid ku dhacday aad uga sheekayso intuu si fiican kaaga dhegaysto ka sammeeya midho khuseeya qisadaas.

Abwaan Xasan Dhuxul waa nin caawiya dadka oo aan markhaati ka ahay dad badan, waa faxal gacatiisu furantahay.

Abwaaan Xasan waxaa uu leeyahay awood hoggaamineed oo uu ku aas-aasay isuguna keenay 35 qof oo Kooxda Xiddigaha Geeska ka tirsan Xaruntooduna tahay Hargeysa, dhammaantoodna caan ka noqday geyiga Somalidu degto.

laakiin Somalidu waxay dabagashaa qofkasta oo magac iyo milgo ku leh bulshada dhexdeeda, dadka oo dhana maaha ee dad yar oo maangaab ah ayaa caadaystay inay ceeb iyo cay aanu geyin maalin kasta u quudhaan Abwaanka, laakiin waxaan leeyahay ‘Abwaan waxba ku yeeli maayaan dadkaas iyo beenta ay maalinkasta kaa sheegaan, waxaad tahay hormood ku dayasho leh ee hore u sii soco.’

Waxan ku soo afmeerayaa Tuducyo ka mid ah heestii Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul ee Afkaaga Masuul ka noqo.

Qof ujeedo kaa lihi

Kuu sammee kun iinood

Hadba eray gunaadliyo

Ku raadi eedoo

Sharaftaada iib gee

Qofka belo abaabula

Qof ka aamusaa dilay

Xalku aarsi maahee

Qofka waxa Ayaan daran

Dabagala qod aadmiya

Inkastooy ayaamuhu

Ku baraan ilaaqdiyo

Adyadiyo xadgudubkiyo

Qabka aadmi kugu naco

Aqoontaada oo gudhan

Ku kaba aamusnaanoo

Afkaaga masuul ka noqo

Xalku aarsi maahee

Waxaa ugu Ayaan daran

Ruuxa daba gala qof aadmi

WQ Maxamed Siciid Cabdilaahi

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY