“Annaga Wasaarad-na Naguma Amar Ku Taaglayso” Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha

0
896

Gudoomiyaha Hay'adda ShaqaalahaHargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale, ayaa iska difaacay eedamo loo jeediyay oo ku aadan in Wasaaraddaha xukumaddu ku tagri falaan Awooda Hay’adda Shaqaalaha islamarkaana hawlihii Hay’addu xaqa u lahayd maamushaan Wasaaradduhu.

“Runtii Ruuxa Bani-aadamka ahi inuu is-amaano maaha, waa lagu dhaliilayaa, dhaliishana inaad ka faa’iidaysato weeye.haddi waxaasi jiraan waanu saxaynaa laakiin se anigu intaan ogahay ee aan aaminsanahay waxaa aad I waydiiseen wax ka jiraa ma jiro” ayuu yidhi Gudoomiyuhu

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shaqooyinku ukala qeexan yihiin Hay’addaha dawlada waxaanu yidhi“Waxaanu qabsanaa shaqadayada.Wasaaradduhu naguma amar ku taag leeyaan ee anagay naga timaadaa sidaanu u wada shaqaynayno, fulinnana. Way kala qayaxan yihiin hay’ad waliba shaqada iyo hawlaha ay qabataa.Wasaarad na naguma xad gudubto anaguna kuma xad gudubno Shaqana nooma qabtaan”

Hay’adda Shaqaalaha ayaa inta badan lagu dhaliilaa inaanay kaalin muhiim ah ku lahayn qaabka Shaqaalaha dawladda u qaataan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kale ee dawladda islamarkaana qaab aan caddaalad ahayn ay ku qaataan, iyadoo ay ahayd in Hay’adda Shaqaaluhu xakamayso in si caddaalad ah loo qaato shaqaalaha dawladda.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY