Anigu Kuma Dooran Muuse Biixi Cabdi In Uu Dhaqaale Xil Mansab Meeqaam Sare I Siiyo Qalinkii Suxufi Ridwaan Caydiid Ismaaciil (Akiid)

0
1928

Anigu kuma dooran Muuse Biixi Cabdi in uu dhaqaale xil mansab meeqaam sare i siiyo balse waxaan kaga doortey Musharixiintii kale ee kursiga kula tartamayay in uu wax muuqda ka qaban karo xaalada adag ee ay ku jiraan shacabka reer somaliland aniga iyo inta ila aragtida ahiba Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxanu ku dhisidoonaa sidii uu bulshada wax ugu qaban lahaa una dhisi lahaa xukuumada lagu tanaado oo waxqabadkeeda shacabku ay kaga baxaan dhibaato badan oo jirtey.

Nin dhisey iyo ka soo horjeedayba Muuse Biixi Cabdi waa u madaxweyne waxaana waajib ku ah in uu qaranka cadaalad iyo sinaan ka hirgaliyo si somaliland ay guul weyn u gaadho

Waxaan farayaa shacabka reer somaliland in  culeyska ah beeshada xil u magacaaw ka daayaan madaxweynaha cusub oo aynu wax ku doono qaranimo iyo somaliland yaa u shaqayn kara waxna u qaban kara.

Alle Xilka Ha Ku Asturo Madaxweynaha la doortey ee somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

 

Qalinkii Suxufi

Ridwaan Caydiid Ismaaciil (Akiid)

Email: akiid14@gmail.com

LEAVE A REPLY